Ganacsatada Iyo Dadka Hantida Leh Oo Lagu Eedeeyey Inay Fara-baas Ku Hayaan Dhulka Danta Guud Ee Dalka

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi uu hoggaamiyo ayaa si weyn cabasho uga muujisay tijaarta dalka iyo dadka ladan,kuwaas oo ay sheegtay inay dhibaatadda ugu badan ay dalka ku hayaan,isla markaana ay dhibaatooyinka dhulka iyo muranada ugu baddan qayb ka yihiin.

Xukuumadda ayaa dadka Lacagta haysta ku eedaysay inay caqabad ku yihiin dhulka danta guud ee dalka,iyagoo isku daya inay lacag ku qataan dhul dan guud ah,isla markaana ay mararka qaar ku xanibaan jidadka iyo goobaha kale ee danta guud ah.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha guddaha Somaliland Cabdinaasir Caydiid oo arrintaas ka hadlay ayuu haddalkiisu u dhignaa sidan:-“Dadka ugu mishkiladda baddan waa dadka dhaqaalaha haysta annigu muddo baddan ayaan ka shaqaynayey Dowladdaha hoose waan aqaan dhulka dhibta dadka abuuraa waa dadka shacabka ah nin kastaa waxa uu doonayaa inuu waddada dhawr mitir soo gallo, hadhowna waxa uu odhanayaa isagoo ku soo durkay maxay Dowladdu wax uga qaban weyday, kuwa lacagta haysta ayaa ugu dhib baddan, nimanka lacagta haystaa waxay ku isticmaalaan dhaqaalahooda inay wax dan guud ah ku qataan ama wax dan guud ah ku xanibaan ama waddo ama dhul dan guud ah am wax kale ha noqotee, cida lacagta haysata ayaa arrimahaas gashay uun qof dan yar ahi ma gallo .”ayuu yidhi

Waxa uu intaas ku daray Md. Cabdinaasir Caydiid “Nimanka u baahan in wax laga qabtaa ee dalka dhibaatada ku hayaa waa kuwaa ,waddooyinkii iyo dhulkii meel kasta kuwa rabshayaa waa cid lacag haysata uun.” Ayuu yidhi wasiir ku xigeenka wasaaradda daakhiliga Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker