Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje Oo Ka Hadlay Xaflad Ay Ciidanka Booliska Somaliland Ka Joojiyeen

Xildhibaan Axmed Nuur Guruje oo ka mid ah Xildhibaannadda Golaha Wakiiladda Ee Somaliland, Ayaa Shacabkii Soo Doortay Ee xalay (caawa) Xafladda ku Maamuusayey u Qabanayey Ee Ciidanka Booliska Somaliland Joojiyeen ka Raali galiyey Qaabkii Ay Ciidanka Amaanku u la dhaqmeen Taageerayaashiisa.

 

Xildhibaan Axmed Nuur Guruje, Ayaa Talaabaddan Ay Ciidanku Ku Joojiyeen Xafladdan Iyo Sidday Shacabkanna u la dhaqmeen Ku Tilmaamay mid baalmarsan Sharciga Dalka u yaalla. Isagoo Arrimahan ka hadlayanna Wuxuu uu Yidhi “Habeen dhawayd ayay hablo ka mid ah dadkii isoo doortey igu casuumeen xaflad hotel xayaad , xafladii oo aanan waxba kala socon Qaban qaabadeeda ayaa maqribkii la igu wargeliyay in la keeney askar police ah , ka dibna waxaan ku wargeliyay in xafladda la iska joojiyo si aan Muranba u imanin , ana waan iskaga joogey , waxaanan hawadda u mariyey qoraal aan ku raaligelinayay hablaha I casuumey .

Hadaba wixii ka dhacey hotel xayaat oo ahaa gef sharci darro ah oo aniga la iila jeedey , waxaan ka raali gelinayaa ,hablaha xafladoodii xooga lagaga joojiyey , Xildhibaanadda xasaanada leh ee goobta joogey , hoteelka xayaat iyo guud ahaan shacbigga warkaa xumi gaadhey ,waxaanan leeyahey walaalayaal dhamaantiin xaal iyo apologize IGA gudooma , iskana  raali ahaada . aniguna xumaantaa la iila badheedhey waxaan u leeyahey dul madaximo oo aan ku qaado aniga ayaana iska raali geliyay”.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker