Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL Oo Xalay Kulan La Yeeshay Suxufiyiinta Somaliland

Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland Abdirisaq Khalif Ahmed, ayaa xalay la kulmay Suxufiyiinta ka hawl gasha Magalada Hargeysa iyo xubno ka yimid Gobollada dalka qaarkood.

Kulankan oo uu qaban-qaabadiisa uu lahaa Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif, Guddoomiye kuxigeenka Labaad Cali Xaamud, Mudaneyaal ay ka mid ahaayeen Abdilaahi Yusuf Axmed, Mohamed Hassan Saed, Mubaarik Ismaaciil, Garyaqaan Mustafe Ahmed, Omer Jama Farah iyo Xasan Dhuxul Laabsaalax iyo Suxufiyiin todobaataneeyo ka badan.

Kulankan, ayaa daaranaa sidii ay wada shaqayn cusub u yeelan lahaayeen Golaha cusub ee Wakiillada iyo Suxufiyiintu iyo sidii meesha looga saari lahaa cabasho qaar ka mid ah Suxufiyiintu muujiyeen maalintii xil wareejinta oo ay sheegeen in laga hor istaagay Golaha.

Suxufiyiin dhawr ah oo ka hadlay, kulankaasi, ayaa waxa ay badankoodu hadalladoodu diirada ku saareen sidii Golaha Wakiillada ee la doortay ay uga shaqayn lahaayeen Xeerka cusub ee Saxaafadda, kaas oo muddo dheer ku soo jiray ajandaha golahaasi, si loo helo Xeer dhamaystiran oo lagu dhaqo Warbaahinta iyo Suxufiyiinta.

Waxa kale oo ay Suxufiyiintani ka codsadeen Mudaneyaasha Golaha Wakiillada iyo Hoggaankoodaba in ay difaacida Saxaafadda iyo xoriyatul qawlka meel adag iska taagaan, marka tacdiyada loo geysanayo warbaahinta.

Mudaneyaal ka tirsan Golaha Wakiillada oo madashaas ka hadlay, ayaa iyagu xusay in ay dhinacooda ka shaqayn doonaan sidii loo heli lahaa Xeer Saxaafaddeed oo damaanad qaada xuquuqda Suxufiga iyo dadkaba, waxaanay tibaaxeen in aanay ogolaan doonin oo ay ka gil gilan doonaan in Suxufi si sharciga baalmarsan la iska xidho.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif, ayaa sheegay in ay Golaha ahaan diyaar u yihiin in ay wada shaqayn dhow la yeeshaan Bahda Saxaafadda, oo uu tilmaamay in ay tiir weyn ugu jiraan qaranka.

Guddoomiye Khaliif, waxa kale oo uu xusay in ay ka shaqayn doonaan sidii loo ansixin lahaa xeerka Saxaafadda Somaliland.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker