Midowga Musharaxiinta oo shir uga furmay Magaalada Muqdisho

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa maanta Magaalada Muqdisho uga furmay shir ay kaga arrinsanayaan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Shirka oo saddex cisho soddon doono ayay goluhu ka soo saari doonaan warmurtiyeed, ay ku caddeynayaan mowqifkooda ku aaddan geeddi-socodka doorashooyinka.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay ka hor mowqifkooda inay wadatashiyo la samayn doonaan Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada, Bulshada Rayidka iyo Beesha Caalamka.

“Ka hor inta uusan soo bixin mowqifka midowga, waxaan watashi la yeelan doonnaa Ra’iisal Wasaaraha, Madaxda Dowlad Goboleedyada, Bulshada Rayadka iyo Beesha Caalamka.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker