Munaasibad lagu taageerayo Shir-gudoonka cusub ee golaha Wakiiladda oo lagu qabtey Magaalada Laascaanood

Xaruunta Gobolka Sool Ee Magaaladda Laascaanood, Ayaa Si Weyn Looga taageeray Shir-guddoonka Cusub Ee Golaha Wakiiladda JSL Ee Dhawaan La Doortay.
Waxgaradka, Ganacsatadda, Bahda Dhaqanka, Dhalinyaradda Iyo Haweenka Guud Ahaanba Gobolka Sool, Ayaa taageero laxaad Leh u Muujiyey Shir-guddoonka Cusub Ee Golaha Wakiiladda Somaliland Iyo dhammaanba Xildhibaannadda Golaha Wakiiladda Ee Dhawaan doortayba.

Shir Balaadhan oo ay Magaaladda Laascaanood ku yeesheen qaybaha Kala Duwan Ee Bulshadda, ayaa HAMBALYO Iyo ducaba u Diray Shir-guddoonka Golaha Wakiiladda JSL. Iyagoo Carabka ku Adkeeyey Sidday u Taageersan Yihiin Xubnaha Cusub Ee ay Goluhu u Doorteen Shir-guddoonka Golaha Wakiiladda Somaliland.
Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Ee JSL Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Isla-markaana Ah-na Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad Ee Xisbiga WADDANI, ayaa ah Siyaasi Kasoo Jeedda Gobolka Sool, Isla-markaana saamayn Weyn Ku Leh Deegaannaddiisa, Kaasoo Shacabka ku Dhaqan Deegaannadda Bariga Somaliland Aad u jecel Yihiin, Xoogna u taageeraan Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Isku Wadda duubboo, Waxaa Iska Soo dabba dhacaya Hambalyadda Iyo Ducadda loo dirayo Shir-guddoonka Cusub Ee Baarlamaanka Somaliland Iyo Xildhibaannadda Golaha Wakiiladda, kuwaasoo ka imanaya dhammaanba Deegaannadda Kala Duwan Ee JSL.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker