Aqalka Sare Ee Itoobiya Oo Cod Aqlabiyad ah ku Diiday In Doorasho ka Dhacdo Gobolka Tigreega.

Aqalka sare ee Itoobiya ayaa cod buuxa uga horyimid Doorashada la filayo inay deegaanka Tigreega ka dhacdo Arabacada oo ku beegan 9-ka bisha September iyagoo arintaasi ku tilmaamay mid dastuurka ka horimaneysa isla-markaana aan la aqbali doonin natiija kasta oo doorashadaasi ka soo baxdo.

Golaha Federeeshiinka ee dalkaasi Itoobiya oo maalintii shalay shir degdeg ah yeeshay ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyada ka socda ismaamulka deegaanka Tigreega uu ku doonayo doorasha ka duwan dalka intiisa kale ka duwan uu deegaan ahaan iskii u qabsado ay tahay mid gabi ahaanba ka horimaneyso dastuurka dalka Itoobiya u yaalla iyo shuruucda doorashda.

 

 

Go’aannada deegaanka Tigreeda ka soo baxay ee la xiriiro doorashada iyo howlaha doorashada la xidhiidha dhammaantood maanta dastuurka dalka oo ah sharciga dalkaasi ugu sarreeya ay ka horimanayaan ma noqon doonaan kuwo dhaqan galo.

 

Golaha Fedreeshinka ee Itoobiya oo shirka degdegga oo ay albaabbada u xirnaayeen maalinti shalay yeeshay wuxuu dhageystay warbixin ay u soo jeediyeen guddiga joogtada ee macneynta arrimaha dastuurka.

 

“Arrimaha sharcidarrada ee ka socda deegaanka Tigreega dartii shacabka deegaankaasi iney dhibaato soo gaarto looma baahna, wixi dhib ee jirana goluhu wuxuu aaminsan yahay iney wadahadal iyo isafgarasho lagu dhammeeyo, goluhuhna wuxuu dhiirragelinayaa dadaal kasta oo ismariwaaga taagan xal looga raadinayo” ayuu yidhi.

 

 

Golaha Federeeshiinka wuxuu maamulka deegaanka Tigreega iyo xisbiga talada deegaankaasi haya ee TPLF uu ugu baaqay iney joojiyaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo gabood fallada ay u geysanayaan shacabka deegaankaasi ee la xidhiidha doorashada deegaankaasi uu qorsheynayo inuu si gooni ah uu u qabsado.

 

Doorashada guud ee dalkaasi Itoobiya ka dhici lahayd bishan Sptember ayaa dib loo dhigay kaddib marki ay labada gole ee dalkaasi cod aqlabiyad ah ay ku meel mariyeen in doorashada dib loo dhigo 9 bilood ilaa iyo sanad.

Sikastaba ha ahaatee deegaanka Tigreega ayaa ka soo horjeestay go’aankaasi isla-markaana inuu yahay go’aan dastuurka ka horimanayo doorasha u gooni ahna uu deegaan ahaan u qabsanayo.
Xigasho BBC

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker