Afhayeenka Baarlamanka Tunisa Oo Imaaraadka Carabta ku eedeeyey inay ka dambeeyaan afgambiga dalkiisa

Afhayeenka baarlamanka Tunisa Rashid Al-Ganushi ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeeyey inay ka dambeeyaan afgambiga dalkiisa, kadib markii madaxweyne Qays Saciid uu hakiyey baarlamanka, lana wareegay awoodda fulinta.

Al-Ganushi ayaa u sheegay wargeyska The Times, in Imaaraadka ay ka go’neyd “inay soo geba-gebeeyaan” Guga Carabta oo ah kacdoonkii 2011 xukunka lagaga tuuray qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha dalal ka mid ah Bariga Dhexe iyo Waqooyi Afrika.

“Imaaraadka Carabta waxay qaateen fikradda ah in Guga Carabta uu ka dhashay Tunisia, ayna tahay inuu ku dhinto Tunisia,” ayuu yidhi Rashid Al-Ganushi.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker