Oodweyne News - Latest Somali News Update

Al-Shabaab Oo Mamnuucday Waxbarashada Reer Galbeedka

Kooxda alshabaab ayaa soo saartay digniin culus oo ku wajahan waalidiinta soomaaliyeed ee ubadkooda ay dhigtaan iskuulada iyo jaamacadaha ku yaala dalka gudahiisa.

 

Alshabaab ayaa baahisay cod la dhageysan karo 26 daqiiqo oo uu jeedinaayo afhayeenka alshabaab cali maxamuud raage cali dheere kaasi oo digniin loogu diraayo waalidiinta soomaaliyeed.

 

Cali dheere ayaa sheegay in ubadka soo koraya ee Muslimiinta uu maanta wajahayo duulaan xagga Maskaxda ah oo lagula dagaalamayo diintooda, sharaftooda iyo Akhlaaqdooda wanaagsan siduu hadalka u dhigay.

Wuxuu waalidiinta ugu baaqay in caruurtooda marka ay gaaraan garaadka waxbrashada ay geeyaan madaaris islaami ah loona dhiibo macalimiin diinta islaamka wax ka yaqaan si looga fogeeyo waxbarashada reer galbeedka.

 

“Hadaba Waalidiinta Muslimiinta waxaan ugu naseexeynaynaa –Waalidiinta Soomaaliyeed si gaar ah- in ay ka digtoonaadaan iskuulada ama madaarista iyo jaamicaatka u adeegaya danaha gaalada iyo gaala raacyada ee la rabo in jiilka soo koraya looga fogeeya tacliinta Islaamka iyo ku dhaqanka shareecada islaamka, Lagana dhigo kuwa gaalada Jecel hadafkoodana uu yahay shahwadooda iyo waxa ay cunaan oo kaliya. Iskuuladaas iyo jaamicaatkaas waa dagaal ay gaaladu ku soo qaaday dunida Muslimka ah Muddo hore, ayna gaaladu u aragtay in uu yahay dagaal lagu guuleystay oo uga dhib yar midka xabadda maadama uu xaqiijinayo hadafka ay rabaan” ayuu yiri cali dheere.

 

Cali dheere wuxuu si gaar ah uga hadlay jaamacaddaha iyo iskuulada lagu barto aqoonta maadiga ah ee caalamka hormariyo isagoona sheegay in ay faafinayan jahli lagu dhuminaayo dhalinyarada muslimiinta ah .

“Calaamadaha lagu yaqaano iskuuladaas iyo jaamacadahaas waxaa ka mid ah: waxay ku dadaalaan luuqadaha Ajinabiga, waxayna la dagaalamaan Luuqadda carabiga waayo luuqad kasta waxay wadataa tarbiyadeeda, luuqadda carabiguna waa luuqadda diinta Islaamka, Waa luuqadda Nabigeena, Waa luuqadda Kitaabkeena, ugu dambeyna waa luuqadda Ahlu-Jannaha sidaas darteed ayaana Muslimiinta looga fogeynayaa, luuqadaha ajinabigana loo jecleysiinayaa wax kasta oo marmarsiyo looga dhigaba” ayuu yiri.

 

“Waxay ardaydooda ku xiraan islamarkaana ay jecleysiiyaan gaalada iyo wadamadooda iyagoo u amaanaya dhaqamada gaalada, siyaasadooda, aqoontooda, hormarkooda, Ugana sheekeeya taariikhdooda iyo dadkoodii magaca lahaa si ardayga qalbigiisa halkaa loogu xiro, dhanka kalena waxaa laga qarinayaa ama loo suurad xumeynayaa Islaamka iyo taariikhdiisa si ardayga loo tuso wax aanan micno lahayn”

Cali dheere oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in iskuulada iyo jaamcadaha dalka ku yaala ay intooda badan ay gacanta ku haayaan hey’addo ajaanib ah ayna u shaqeeyaan danaha gaalada sida uu isaga hadalka u dhigay afhayeenka.

 

“Waxaan uga digeynaa Daladaha, Ururuada, Mu’asasaatka iyo shaqsiyaatka ku howlan fulinta ajandayaasha gaalada iyo gaala-raacyada in ay ka waantoobaan howshaas, ayna joojiyaan manaahijta qaloocan ee u adeegeysa rabitaanka gaalada iyo gaala-raacyada, ayna ogaadaan in howsha ay ku jiraan ay tahay garab siin ay gaaladu ku garabsiinayaan gaaleysiinta ubadka Muslimiinta, taasna ay ka dhalaneyso in diinta laga baxo waa haddii ay Muslimiin ahaayeen, Haddii ay ogaal gaaladu ku garab siinayeena ha ogaadaan in ay dagaal kula jiraan Muslimiinta, ayna waxba ka duwaneyn gaalada soo duushay, dadka Muslimiinta ahna ha ogaadaan in cidii iyadoo howshaas ku jirta ay wax ku soo gaaraan aanan la dulminin balse ay iyadu dagaal cad ay gashay”.

 

Waa markii ugu horeysay oo alshabaab ay digniin u dirto goobaha waxbarashada dalka soomalia iyo waalidiinta ay caruurtooda dhigtaan iskuulada iyo jaamacaddaha .

Digniintaan dowladda waxa ay ku tilmaamtay mid ay shabaab kula dagaalamayan jiilka cusub ayna doonayan in ay soo baxaan dhalinyaro jaahiliin ah oo aan aqoon laheyn.

 

Tani waxa ay baqdin xoogan ku abuureysaa waalidiinta soomaliyeed ee ubadkooda u diraya goobaha waxbarashada maadiga ah lamana oga sida ay ku suurta gali karto in digniinta alshababa ay noqoto mid dhaqan gasha.

Kooxda boko xaram ee dalka nigeria ka dagaalanta ayaa horay u diiday goobaha waxbarashada iyadoona ku tilmaamatay kuwo u adeegaya reer galbeedka.