Oodweyne News - Latest Somali News Update

Somaliland Abaarta Waxa ugu Wacan

Siilaanyo & Kulmiye intay Xukunka la wareegeen, waxa Somaliland ku soo kordhay Dad sidii Adoonsiga lagu kala

sareeyo, oo Dadka qaar Shaadhka Dawlada lagu xidho, lagu Jidh dilo, lagu caayo, lagu maago, oo loo adeegsado

Ciidanka Booliiska, RRU, & Garaacis Gacanta loola tagaba.

Hadaba, Siilaanyo & Xukuumadiisu Shicibka Qofkii diida Kulmiye, waxa loo diraa RRU, oo Habeen badh u daata

waxa lagu khasbaa inaanay kulmiye laga bixin, hadii kalana la xidho oo la garaaco.

Ciidanka Booliiska & Taliyo Fadal waxay wadaan, in Shicibku Nabadgelyada Gacanta ku qaato, Waayo Taliye Fadal

wuxuu ku xidhaa Shicibka Cadaalad daro, isagoo cid gaara & Madaxtooyada amarkay siiso fu;linaya oo qof Bani,aa-

dama sida eeyga ugu xidho xadhig waxaad ka hor timid Xukuumada 7 Kulmiye, ama Islaanta Wadanka ka Talisa ee

Aamina Weris ayaa Boobka & Dhaca danyarta ay ku hatso ayaad ka hadashay, ama far ku fiiqday, sida imika ay ku

xidhan yihiin Dhalinyarada Xisbiga Wadani ee ah Islaantu Maalintay Hudheelkeeda Baarkinka u banaynaysay ee

Dad Masaakiina uu Kibir ku Burburiyey Maayir Carablaw ayaad ka hadasheen.

Bal u fiirso, Gudoomyihii Dhalinyarada Wadani Dhame Saadiq, uu ku xidhan yahay maxaad u hadashay, ee weliba

Aabihii cadeeyey in mudo toban Cisho & ka badan aanu arag inuu nool yahay & in kale, oo sidii argagixiso ama Dam-

biile Gacan ku dhiigla ah Inankiisii loo diido inuu arko, wax dembiya oo uu galayna uu jirin, oo uu ka hadlay dhib loo

geystay Dad Shacaba.

Hadaba, Shicibka Somaliland ee ka cabanaya Abaarta & Gaajada, waxa haystaa waa Dulmigaa Siilaanyo & Xukuumadiisa

& Kulmiye ku hayaan Shicibka, adigoo H/Jecla ah, ama H/awala ma geli karid xisbi aan ahayn Kulmiye, Subxaanalaa.

Waayo, Dumar Berbera, & Burco loogu daatay oo maxaad Kulmiye uga baxdeen ee aad Wadani u gasheen oo RRu, loo

diray Habeen badh ayaa jirtay, Dad badan oo shacaba & Madaxba lahaa oo Qabiilkaa Kulmiye ku abrisada ee Awal H/Jeclo

ayaad tihiin ee Wadani ma geli kartaan, Imikana uu Gudoomiyaha Dhalinyarada Wadani ku xidhan yahay H/awal ayaad

tihiin ee maxaad Muuse biixi ayaa isku qolo tihiin ee maxaad Wadani ugu jirtaa.

Sidaas Darteed, Taliyaha Booliiska & Xeer-Ilaalinta & Maxkamaduhu Shicibka S/Land Sadexda Xisbi waa inay u dhex noq-

daan, oo aanay Shaadh Dawladeed aanay qof ani,aadama ugu ciqaabin, ugu caga-juglayn.

Taliyaha Booliiska, Maxkamadaha & xeer-ilaalintuba Ilaahay haka baqaan, oo Umada dhex haw ahaadaan oo cid gaara

yey ugu adeegin ee Cadaalad & hex haw ahaadaan, hadii kale Dulmi ayey ku dhici Taliyaha & Maxmaduhuba oo aduun

& Aakhirba Ilaahay kala xisaabtami.

 

 

 

Wabilaahi Tawfiiq.

Asha Jama