Oodweyne News - Latest Somali News Update

maanso

Waa maasadda labaad ee aan kaga qayb qaadanaayo sil-siladda sanadka ee miimlay

Milgaheena dhaqan kiyo

maansadu mugwayn iyo

macne weeye qaali ah
odhaahaha maldahan iyo
maahmaahda guunka ah
sugaanta mudan iyo

miimlaydan socotaa
waa madnafaca dadwaynaha

metelaaya maantadan
waa araar minkeediyo
meeriskii bilowgee

miimka aan udaadago

sida mawjad culus iyo

mahiigaanka roobkiyo
duufaan marqudha kacay
miimlaydan curatee

matalaysa shacabkee
mad madowga jira iyo
muujinaysa xumahee
kuwa dhiiga miirtee
muudsanaaya dacartee
matalaaya shacabkee
hantidoodi madhiyaa

lagu muujinaayaa
intaa muunad guud iyo
muujinteed kusoo dhaaf
maansada mucdeediyo

aan macnaha u daadago
masaakiinta shacabka ah
berma gaydadeeniyo
maatadiyo caruurtaba
maankooda dilayee
musuqee dhamaan tood
ee midhtiray dantii guud
misna maare kale dhigay
marlabaad idoortiyo
raadinaaya meelkale
maankaba ma deeqdoo
mawaashiga laraacadaa
galab halkii lamayraco

kala mudashadoodiyo
garata meesha daaqa leh
ruux siyaasad miyalayoo
macno aar rumoobayn
kumaldahaaya xaajada
waa inaad ka maagtoo

marinkiisa diidaa

Aar miciyo weynoo

geelku madhiyey sool madhan

nin u mamay sidiisoo

miliqsanaya dhiigoo
maaliyadii dalkeeniyo
manfacsada hantida guud
muuqa guudna reerka ah
kumaacasha kaligii
ma mooginid warkiisoo
miimlay cadaysee
shacbiyahow ka maagoo

marlabaad ha aaminin

maskaxdiyo garaadkaba
abwaan lagu manaystaa
maansada bilaaboo
dadka muuqa guud iyo
u iftiinshay marinkoo
madow wixii la galiyiyo
tusaymaanta waxa jira
maansa yahanadeenuna
muujiyoo dhammaan tood
dadka wali warmooga
sida maalin oo kale

ucadeeye mudugoo
maanka shacabka gaadhyoo
miimlaydu deeqdoo
mahadbaan u qiraynaa