Dowladda Madaxweyne Biden oo duqeyn ka gaysatay gudaha Soomaaliya

Dawladda Mareykanka ayaa duqeyntii ugu horeysay ka fuliyay gudaha Soomaaliya tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweyne Joe Biden.Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ka fuliyay meel u dhow magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug maalintii shalay.

 

Afayeenka wasaarada gaashaandhiga Cindi King ayaa sheegtay in Mareykanku uu taageerayo ciidamada Soomaaliya oo ay weerar ku soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al shabaab.

 

Waxay sheegtay in qiimeyn lagu sameynayo qasaaraha ka dhashay duqeyntaas ee gaari kara dadka rayadka ah, balse wararkii ugu horeeyay waxay tilmaamayaan sida ay sheegtay inaysan jirin dad rayid ah oo wax ku noqday

 

Madaxweyne Biden wuxuu xadiday weerarada diyaaradaha aan duuliyaha laheyn meel ka ka baxsan dalkiisa Mareykanka.

 

Madaxweynihii isaga kahoreeyay ee Donald Trump ayaa kordhiyay weerarada dhanka cirka ahaa ee ay diyaaradaha Mareykanku ka geesanayeen mudadii uu xilka hayay gudaha dalka Soomaaliya. Wax yar ka hor intii uusan xafiiska ka tagin, wuxuu amar ku bixiyay in 700 oo ciidammo gaar ah oo loo soo diray Soomaaliya laga soo saaro.

 

Soomaaliya ayaa halgan ugu jirta sidii amniga wax looga qaban lahaa gaarahaanna weerarda uga imaanaya Al Shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker