Nin Cunsuri Ah Oo Qoys Muslim Ah Ku Laayey Dalka Canada

Afar qof  oo isku qoys ah ayaa lagu diley weerar gaadmo ah, iyagoo ku dhex jiray gaadhi ay wateen, Weeerarka ayaa ka dhacey magaalada London ee gobolka Ontario ee dalka Canada. Waxaa ka badbaadey weerarkaas wiil sagaal jir ah, oo uu soo gaarey dhaawac halis ah, kaasoo haatan lagu dabiibayo isbitaalka.

Nin labaatan sano jir ah ayaa loo xidhay weerarkan dadka lagu laayey, iyadoo lagu soo oogay eedeyn ah inuu afar qof dilay , halka mid kalana uu dhaawacay.

Weerarkan ayaa ahaa kii uggu xumaa oo soo wajaha bulshada Muslim-ka ee reer Canada, tan iyo sanadkii 2017-kii, markaasoo magaalada Quebec masjid ku yaalla lagu diley lix qof.

Booliiska ayaa sheegay in weerarkan loogga shakisan yahay inuu la xidhiidho arrimo argagaxiso, iyagoo intaa ku darey in sidoo kale loo maleynayo danbi naceyb dhanka isirka ah.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker