Afhayeenka Kulmiye Oo Ka Hadlay Isbaaheysiga Xisbiyada UCID iyo WADDANI

Xisbiga Kulmiye ee haya talada Somaliland, ayaa sheegay in labada xisbi ee mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani ay baal mareen hannaanka loogu tartamo guddoonka baarlamaanka iyo midka golayaasha deegaankaba.
Hadalkan ayaa imanaya kaddib markii labadaasi xisbi ay shalay shaaciyeen in ay doonayaan in ay dhisaan isbahaysi ay ku doonayaan in ay awoodda hogaanka goleyaasha deegaanka iyo baarlamankaba kula tartamaan xisbiga talada haya ee Kulmiye.
Cabdinaasir Muxumad Xasan Buuni, afhayeenka xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in arrintaasi ay baalmarsan tahay habkii dimuqraadiga ahaa ee ay mudanayaasha la soo doortay guddoonkooda u dooran lahaayeen: “Dimuqraadiyadda waxaa ka mid ah mudanaha bulshada Somaliland ay soo dooratay ayaa awooddiisii la qaaday oo xisbiyo intay hoteel fariisteen ku heshiiyeen, taa ayaa ah mid dimuqraadiyadda lagu curyaaminayo,”
Waxa uu Buuni intaasi ku daray “Waxa ay aheyd in sida xisbiga Kulmiye oo kale ay bannaanka ka joogaan arrintaas oo inta waqtiga qaanuunku jideeyay eegaan oo mudanayaasha loo daayo awooddooda sharci ee ah in marka golaha ay soo fariistaan ay cidda ay rabaan doortaan.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker