Wadarta Natiijooyinka Hordhaca 15 Degmo ee Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada Somaliland

15-ka Degmo ee Komishanku ku dhaawaqay ayaa ka mid ah 23 degmo Doorasho ee Somaliland

Hargeysa (OWN)- Guddiga Doorashooyinka ee Heer Degmo, ayaa shaaciyey natiijada hordhaca ah ee Codbixinta Doorashada goleyaasha deegaanka ee Lix degmo-doorasho oo ka tirsan 23 degmo-doorasho ee Somaliland ka kooban tahay.

Guddiga Doorashooyinka ee heer degmo waxa ay maanta shaaciyeen natiijooyinka hordhaca ah ee degmooyinka Sheekh, Caynaba, Balligubadle, Oodweyne, Baki iyo Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo.

Guddiga Doorashooyinka, ayaa hore u shaaciyey natiijada codbixinta siddeed Degmo-doorasho, taas oo wadarta guud ee natiijooyinka hordhaca ah ee degmooyinka ka dhigaysa 15 degmo Doorasho, waxaana ilaa hadda tirada kuraasta lagu kala guulaystay hoggaaminaya xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

Muuqaalka Hoose Ka Daawo Shax lagu muujiyey Tirada Kuraasida ay xisbiyadu ku kala guulaysteen degmooyinka dalka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker