Gudoomiye C/rashiid Riyo-raac Oo Sheegay Xiliga ay Natiijada Doorashadu soo baxayso

Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Cabdirashiid Maxamud Cali Riyo-raac ayaa Sheegay in doorashadii Maanta ka qabsoontay Somaliland ay si guul ah oo nabadgalyo ah ku soo dhamaatay.

Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Somaliland Wuxuu mahadnaq iyo amaanba u diray Shacabka Somaliland oo muujiyey Bisayl iyo inay danta guud ka horumariyaan ta gaarka ah Waxa uu Gudoomiyuhu xusay inay si wanaagsan ku soo dhamaatay doorashadu.

Cabdirashiid Riyo raac Wuxuu ka dalbaday hay’adaha warbaahinta Somaliland inay taxadar weyn muujiyaan isla markaana aanay Sheegin natiijo aan ka soo bixin Komiishanka Doorashooyinka qaranka.

Gudoomiyaha Komiishanka doorashooyinka qaranku wuxuu fariin u diray hawl wadeenada Komiishanka ee ku sugan goobihii codka laga dhiibtay waxaanu ku booriyey inay ka dhabeeyaan dhaartii iyo dhex dhexaadnimadii ay mareen ay codadka ku tiriyaan waxaa kale oo uu hawl wadeenada komiishanka uu u soo jeediyey inay goob joogayaasha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ahba ugu ogolaadaan tirinta Codadka.

Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka C.rashiid Maxamud Cali Riyo raac wuxuu gabo gabadii sheegay inay ku rajo weyn yihiin in 24 Saacadood gudahood ay ku shaacin doonaan natiijada hor dhaca ee doorashada isagoo intaas ku daray in natiijada rasmiga ahi ay qaadan karto mudo toban cisho ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker