Madaxeynaha Rwanda oo tallaabo weyn ku tilmaamay in Faransiisku qirtay Xasuuqii Rwanda.

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa sheegay in qirashadii dhowaan uu Faransiisku ku qirtay doowrkii uu ku lahaa xasuuqii 1994-kii ka dhacay Rwanda ay tahay tallaabo weyn.

Mr Emmanuel Macron, ayaa intii uu ku guda jiray booqasho taariikhi ah oo uu toddobaadkan ku tagay waddankan ku yaalla bariga Africa, waxa uu qiray kaalintii Faransiiska ee dilkii 800,000 oo qof oo u badnaa qowmiyadda Tutsi, wuxuuna sheegay in kuwa ka badbaaday oo kali ah ay cafis bixin karaan.

Waxa uu ku sigtay in uu raalli-gelin bixiyo, isagoo hoosta ka xarriiqay in Faransiisku “uusan lug ku laheyn” rabshadaha tooska ah. Macron ayaa qaaday tallaabo ka dheer kuwii madaxweynayaashii isaga ka horreeyay isagoo qiray in Paris ay taageertay nidaamkii xasuuqa gaystay ayna iska indhatirtay digniinaha ku saabsanaa xasuuqa.

Kagame, oo hogaamiyay kacdoonka Tutsi-ga ee soo afjaray xasuuqa, ayaa si joogto ah waxa uu ugu eedeeyn jiray Faransiiska in uu ku lug lahayd dambiyadaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker