Ururka SOLJA Oo War Kasoo Saartay Doorka Warbaahinta Ee Ka Qaadatay Ololaha Doorashada

UJEEDDO: XARUNTA LA SOCODKA WARBAAHINTA & XOG TABIN WAJIGA 1AAD EE OLOLAHA DOORASHADA.

 

Xilliyada doorashadu waxa ay ka mid yihiin mararka ugu badan ee saxaafadda loo adeegsado in lagu wada xidhiidho, xog lagu helo si gaar ahna loogu adeegsado ololaha iyo kasbashada shacabka JSL ee codbixiyeyaasha ah.

Doorashada golaha wakiilada iyo golayaasha deegaanka oo ku beegan inay qabsoonto 31 ka May 2021, oo ah doorasho isku sidkan oo markii ugu horaysay taariikhda Somalliland, tani waxa ay keenaysaa in doorashadu noqoto mid muhiimad gaar ah leh oo khasab ka dhigaysa in shacabka, xisbiyada qaranka, Xukuumadda iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranku ay si isku duubni ah u danaynayaan in ay doorashadu ku dhacdo nabad iyo xasilooni si loo helo doorasho xor iyo Xalaal ah.

Xarunta la socodka Warbaahinta ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA ee xiliga doorashada waxay halkan idinkula wadaagaysaa xog tabin koobsanaysa sida saxaafadda Somaliland u baahisay, dhamaan ba xogaha, wararka iyo warbixinaha ku aadan wajiga hore ee ololaha doorashada oo ay sadexda xisbi iskugu muujiyeen dhamaanba Gobolada Somaliland saddexdii maalmood ee Kaltanka Ololaha ee Xisbiyada Qaranka [23-24-25 May 2021]. Xaruntan oo la soconaysa dhamaan qaybaha warbaahintu inay u hogaansameen Xeerka anshaxa saxaafadda ee xiliga doorashada ee ay wada sexeexdeen danyeeyaasha Saxaafaddu waxay shaqaynaysay labadii doorasho ee ugu dambeeyay.

Guud ahaan warbaahina Somaliland waxay u baahiyeen wararka iyo xogaha la xidhiidha ololaha doorashada si wanaagsan, oo xilkasnimo ka muuqato iyaga oo si isku mid ah u baahiyay dhamaanba musharixiinta ka tartamaya sadexda xisbi qaran. Warbaahintu waxa ay musharixiinta fursad siiyeen waqtiyo iyo baahin siman. Warbaahintu waxay ku ammaanan tahay dadaalka dheeraadka ah ee ay ku bixisay in ay ka feejignaadaan arrimaha xanafta keeni karaya, ama dhaawacaya doorashada. Xarumaha warbaahintu waxay si haboon u baahiyeen dhacdooyinka xiliga doorashada iyo wax wal oo keensan kara inuu dhaawaco hanaanka doorashada. Deegaanka Warbaahineed wuxuu ahaa mid nabdoon, ma jiraan dhacdooyin la xidhiidha khatar galinta xoriyadda warbaahinta oo uu ururku helay wajiga 1aad ee ololaha, sida wariye loo xidhay shaqo warbaahineed, diidmo helitaan xogeed iyo in warbaahin gaar ah la beegsaday ama la xidhay.

Warbaahinta madaxa banaan waxay muujiyeen bisayl, dhexdhexaadnimo, iyo inaanay baahin warar been abuur ah ama keensan kara khilaaf, si la mid ah Warbaahinta Qaranka oo hoos timaadda Wasaaradda Warfaafinta Wacyigalinta iyo Dhaqanku sida Radio Hargeysa iyo Telefishanka Qaranka JSL waxay muujiyeen dhexdhexaadnimo iyo in ay si isle’eg ugu baahiyaan Wararka saddexda xisbi qaran ee JSL.

Degel wareedyada ayaa iyaguna sidoo kale qayb ka ahaa baahinta ololaha musharixiinta u tartamaya kuraasta golaha wakiilada iyo golaha deegaanka. Wargaysyada ka soo baxa caasimadda JSL ayaa kordhay xiliga ololaha doorashada iyaga oo daabacaya ololaha musharixiinta lama diiwaan galin wax xadgudub ku ah anshaxa doorashada ee saxaafadda.

Warbaahinta baraha bulshadu ku kulanto iyo fahanka iyo koboca adeegsigeeda ayaa isna dhinaca kale xusid mudan iyadoo bogagga wasaaradaha qaar ka mid ah loo adeegsaday maalintii ololaha xisbiga kulmiye, sidoo kale ay gaadiidka mid ka mid ah hay’adaha dawladda loogu ololeeyay musharixiin gaar ah, sidoo kale la sii odorosay natiijo mala-awaal ah oo keeni karta marin habaabin bulsheed. Waxa fiiro gaar ah mudan in warbaahinta baraha bulshada lagu baahiyay falal liddi ku ah xeer hoosaadka anshaxa doorashada iyo habsami u socodka ololaha doorashada oo ka dhacay gobolo ka mid ah dalka, sida astaamo musharaxiinta oo la gubay, halka sidoo kale musharaxiin ka mid ah tartamayaasha astaamahoodii la jajabiyay, xarumo xildhibaan oo la weeraray.

Gebagabo: Waxaa si nabadgelyo ah oo ilbixnimo ka muuqato, ku soo dhammaaday wejigii hore ee Ololaha doorashada Somaliland warbaahintuna waxay si muuqata oo muunaysan u baahisay ololaha doorashada Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada ee JSL

DHAMMAAD

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker