Oodweyne News - Latest Somali News Update

Safkii Balaadhnaa ee AXADII wax ka jiraa ma jiraan ……

Waxa maalintii Axadii safa balaadhan usoo fadhiistay niman REYCLING ku jira oo akhriyaya heshiisyo horay ayna yidhaahdeen waxaanu u wada galnay Imaraadka ku celinaya , nimanka safka balaadhan fadhiyaa waxaad moodaa inay tahriibayaan oo iminka dooni la saari doono hadaanad wajiyadooda aanad garan lahayn waxaad moodi lahayd niman koontarabaan  ah o tahriibaya .

Waxa hadalka bilaabay Macaali Wasiir Sacad Cali Shire oonu leenahay nin ALLAH ku dhaw ayaad ahayd lakiin Maalintaadii Aakhiro maalintaadii aduunyo ayaad siisatay taa waxaanu u leenahay dadka la xasuuqay inaad dhiigoodii aad qarisay oo aanad hadalkaaga ku bilaabin tacsi ku socota Ehelkii dadkii ISBABAHASIGU XASUUQEEN , kasaco  Macaali Sacad Cali iminka waxa loo bixiyey  ” Sa’dnesia ” oo ah Amensia cudurka ilowshiiyaha iyo Sacad oo la isku daray waayo Heshiiska uu akhriyay Toban jeer oo hore ayaa la akhriyey Tusaale Wadada Berbera Corridor ilaa 4 jeer ayey Imaraadku balan qaaday inay sameyneyso  Kow markii ugu horeysay ee uu Madaxweyne Silaanyo tago Imaraadka 20010/2011 way usoo balan qadeen ,  Laba markay doonayeen inay Hamaha Shidaalka la waregaan ee ay yidhaahdeen Gobolka Bariga iyo bartahama Afrika ayaanu Betroolka gaadhsiineynaa way ku balan qadeen inay dhisaan Berbera Corridor , Sadex  Ibn Makhtuum laftirkiisa ayaa mar yidhi wadaadaa waan dhisayaa ee Buurta Gacan Libaax keena , Afar DP world mashruuc ugu horeeya ee ay fulin doontaa wuxuu ahaa Berbera Corridor Markasuu ina Cali Shire nooga dhigayaa mashruuc cusub waar Ilaahay ka yaaba .

Mashruuca Caafimaadka , Mashruuca Biyo galinta Hargeysa gidigood dhawr jeer oo hore ayaa la saxeexay waxa kaliya ee cusubi waxay ahayd Madaar cusub ooy Berbera yeelan doonto , Madaar soo socdaa ma jiro isla madaarka jira ayey doonayaan inay isticmalaan Deyr wayn oo ka TRUMP ka wado xuduudka Mexico oo kale ah waxay ku wareejin donaan laga bilaabo madaarka Berbera ilaa 70km oo square ALLAH kama dhigo ee , DAYRKAA TRUMP ayaa lagaaga dhigayaa Madaar cusub .

Hadaad dhegeysatid warka Madaxweyne Ku xigeen Saylici iyo ka Macaali wasiir Sacad cali shire way kala duwan yihiin labadooda Warka sugani waaka Macaali Wasiir Sacad cali shire waxaa itifaaqiyad ah lama kala saxeexan  wax loo balansanaa maanta oo ISNIIN ah in laka saxeexdo Memorandum of Understanding oo ah waanu isku fahanay waayo dal la aqoonsan yahay ma tihid oo kaligii mucaahidad geli kara  ETHIOPIA ayaa xataa  Memorandum of Understanding   SHURUUD KU XIDHAY oo tidhi hadii Imaaradku imanayo Berbera waa inuu soo xidhaa Saldhiga ay Imaraadku ku leeyihiin wadanka ERITREA meesha ma ragataa gaad gaad baa lagu jira waa markaa markay qoladani safka balaadhan iska soo fadhiisatay  AXADII  halkii ISNIINTA  loo balansanaa meesha madow ee ay Heshiiyada hore inaga dul akhriyeen

Heshiis la gaadhay ma jiro qolada mudahraadka waday halkiina ka wada durtooba waad argtaan cid ogol in lagu sawiro ma jirto dirqi baa  Sheekha  iska leh Manchester city ay ku gacan qadeen isagoo  Kubadiisa ku mashquulsan cid kaloo waftigaa qaabishay ma argateen iyaga iyo Waraabe U taag Ina Cali Dhurwaa ayaa saf balaaldhan soo fadhiistay .

Marwada Kowaad oo uu Muse Biixi ka dhigay Madaxweynaha aan loo cumaamadin iyo Nuseyrigii yaraa ee Macaali wasiir Maxamed Cabdilaahi Cumar waxay ordayaan NAIROBI iyagoo beesha Caalamka leh keena DOLLAR aanu accounts- yaga caalamka dhigano warkooda dib baa laga soo sheegi donaa .

Waxaanu leenahay qola da LONDON ku celiya  Mudaharaad , qolada KANADA iminka waa soo  fiicnaanayaa jawgu Spring break – ga mudahraad ka gaadhsiiya , Qolada  JARMALKA waxaanu leenahay sidii bahalkii biriijka ka dhacay bararugay goor lasoo baxay ALLAH hortii barqaan kacay waar ma qoladii SWEDEN ayaa idinka soo horeysay oo idinka hor mudaharaaday waar intaad Boliiska u sheegtaan laba ilaa  sadex bus kaxaysta marka horena MEDIA ha u sheega waar hilaaca ayaamaha soo socda FRANKFURT am Main iyo BERLIN ba . Waxba yaanay idinku khuukhin Heshiiskan AXAD laha ah ee safka balaadhan .

 Ka Masriga ah Mr. Ibrahiim Xamaada ee DP World manager-ka uga ah Dekkeda Berbera oon hub sidan ayaad u taag la’adahay bal ka waran Mr. Ibrahim Xamda oo Apache Helicopters , F16 ,  Drones wata iyo hub culus oo kale .

Ahmed Jigga