Oodweyne News - Latest Somali News Update

Shacabkii s/laan maxaa dareen tiray

Keene iyo kordhiye

Keene . waaryaa kordhiye saaxiib waxa aan ku wey diiyay

Qoladan caydha ah ee aan dal iyo dad midana dan ka lahayn

Ee xoolii agoonta iyo danyarta ka taajiray ee weli sii guranaya

Maxaa shacabkii nasaqay?

Kordhiye . waxa kasii daran waxa la sheegayaa in dadkii

Dhimasho bilaabay raashin kina uu bakhaaro ka buuxo

Oo reerihii lagu xidhay inay kulmiye noqdaan haddii kale

Ha dhintaan.

Waxaaba waxa ka daran qaar bakhtiyaya oo waxoodii

Daaro lagu dhistay oo hadana qabyaalad awgeed kule

Xukuumadan wax qabadka badan ee aan la qarin Karin

Waanu taageer sannay yacnii waa masaakiin jahli hayo

Oo ay heleen naar gala yaal.

Laakiin maalin kalay garan ifka iyo aakhiro labadaba waa laga jari

Guuleed liibaan       london