Oodweyne News - Latest Somali News Update

Shacabka Somaliland Gude & Debedba Haka soo horjeestaan, Saldhiga la yidhi waa la saxeexay, Iimaaraadka Cidii u saxeexday

Shicibka S/Land ha diidaan oo haka soo hor jeestaan, Xukuumadan Murdiya ee Wadankii Xaqul Qalin wada siistaty

ee Baarlamaanka Xaashiyo kku laaluushay heshiis ku sheegay, Imikana Iimaaraadka Heshiis ku sheeg ku sheegay ee

aan Qoladii la saxeexatay ee Iimaaraadka aanay muuqan, ee iyagu isu marxabeeyeen heshiiskii waanu saxeexnay.

Kolkaasi Sidii Xaashiyaha Baarlamaanka ay u marsadeen ee ay u keeni waayeen wax cad, ayey imikana u qarinayaan

waxay saxeexeen, & Wuxuu yahay & Cida saxeexday.

Sidaas Darteed, Heshiiska waxay mar kasta u qarinayaan cid kale ayaa la saxeexday, oo Somaliya & Dad kale oo la

sheegay oo Ganacsade Reer Jabuutiya ayaa ku jira, waxa kale oo mar kasta ay xaqiiqda u qarinayaan Dhibta uu leey-

ahay, Lacagta & Xaqul Qalinka lagu kala qaatay, ayaa la qarinayaa.

Hadaba Shicibka Somaliland Aamina Weris & Moorgan oo Wadankii Wada iibiyey, oo wada xaraashay oo Dagaal & Xabad

u soo horseedaya, Odeyguna aanu waxba la socon ayaa la eeganayaa, oo la sugayaa Kuwa Iimaan Lawayaasha ee Xaqul

Qalinka isu wada daba galay ee Madaxweyne ku Xigeenka, Faysal Cali Waraabe & Wasiirada leh, ee aan Ilaahayna ka baqayn

Shicibka araadka & Gaajada & Abaartu ku habsatayna, ku dul khamaaraya, ee Dhulkii intay wada iibiyeen Jeebka kuwada

shubtay.

Sidaas Darteed, ma waxay sugayaan, Moorgan & Aamina Weris & Inta Iimaan-lawayaasha ah xaqul qalinka ay siisteen Wada-

nkii ee Dagaal & Colaada & Xabada Xuutiyiintu ku soo ganayso Berbera & Wadanka & Shicibka Masaakiinta ee abaarta la

daala dhacaya, oo ay eeganayaan oo beenta Muhanad & Moorgan & Aamina Weris Barwaaqo & Badhaadhe, waaba Saldhig

Miltari & Olol & Madaafiic ee xagee Horumar & Barwaaqo loo helayaa.

Hadaba, Reer Saaxil, Reer S/Land dhamaantood haku quustaan, Islaanta Wadanka ka talisa ee Aamina Weris oo Xiitaa Aduunkiiu

og yahay oo Kenya looga yeedhay, in wax laga weydiiyo Doorashooyinka ay dib u dhigtay.

Shicibka S/Land indhaha fura, waxa heshiiska Saldhiga markii horana Baarlamaanka loo keeni waayey, oo Waraaqo loo keenay

Imikana ay Qoladii Iimaarku u muuqan weydey, ee Xaaraan quutayaashii & Laaluush quutayaalki S/Land ay keligood Tv,ga u soo

fadhiisteen Heshiiskii waanu saxeexnay, ee Carabtii u hadli weydey saxeexa la gashay, ee iyagoo saxeexaya Warbaahinta loogu

soo bandhigi waayey Warqadii & Saxeexii.

Timir Lafbaa ku jirta, wixii la qariyo qudhun baa ku jiraa, ee Shicibka S/Land indhaha kala fura, oo Xabada Xuutiyiinta haku

sugina meesha.

 

 

Asha Jama

Wabilaahi Tawfiiq.