Oodweyne News - Latest Somali News Update

Afar kalmadood oo dadka Somalida ah ku adag in ay yidhaahdaan !! W/Q.Khadar Aar.

Qofkastaa waxa uu jecel yahay in isaga la raali galiyo,balse ma jecla in uu isagu wax raali galiyo,qofkastaa waxa uu jecel yahay in isaga saamaxaad la waydiisto,balse waa ay ku adag tahay in uu isagu cid saamaxaad waydiisto uu ku khaldamay.

Qofkastaa waxa uu jecel yahay ,jeclaan-lahaana hadii uu helaayo in uu isagu wax caawiyo ,markastana uu noqdo mid gacanta sare yeesho,balse qofna ma jecla in isagu uu noqdo kan la caawinaayo ee gacantiisu hoosayso.

Qofkastaaba waxa uu jecel yahay, rabina lahaa hadii uu helaayo, in isaga uun la jeclaado,laga daba dhaco,loo gabyo, loo heeso ,loona buraanburo,balse qofna ma jeclaan lahayn in uu isagu wax jeeclaado ,u heeso, u gabyo ,u buraanburo cida uu jecel yahay.

Maxay ku dhacday in qofkasta oo nooli uu walaalkiisa kale ugu jiro difaac iyo iska caabin,balse ILAHAY ayaa SWT isagu Dunidan isku jaangooyay,hadii aanu qaabkan u dejina nololi korkeeda kamay suura gasheen.

Qofkasta oo Aadane ah ,waxaa markasta ku adag agtiisa in uu dadka kale ee uu nolosha la wadaago in uu isu tusiyo in uu yahay mid agtooda ka liita,si aanay taasi ugu dareemina waxa uu jecel yahay in uu markasta qarsado bahiyahiisa daruuriga ah iyo kuwa aan markaasi muhiimada badan ugu fadhiyin.

Hadii loo dhabo galo maalinkasta inta baryootan iyo inta is-caawimo ee ka dhex dhaca Dunidan guudkeeda,waxa aad arkaysaa in ay aad u badan tahay la’aanteedna aanay nololi jirteen.

Waxa kaloo iyana iswaydiinleh ma jiraa oo ma la helayaa qof dunida guudkeeda ku nool oo aan waligii cid wax waydiisan ama aan wax baryin,waxa laga yabaa in badhkiin baryada aan sheegaayo ay u qataan ama ay u fahmaan oo kaliya dhinaca dhaqaalaha iwm.

Balse baahida iyo tacaawinka aan ka hadlaya kaasi oo kaliya maaha,wax iska caawinta iyo wax iswaydiisashadu waxa ay tahay mid aad u farabadan,waxaa ka mida qof jecel qofkale ugana baahan in uu ka aqbalo ama ka ogoolaado jacaylkaasi uu u qabo.

Waxaa kaloo iyana ka mida is-caawinta in aynu wax isla qaano , sida in aad isoo dhiibto ama aad gacanta iga galiso alaabyar oo markaasi dhulka iga taala, iina suura galayn in aan kaligay soo qabaso.

Wax istarka iyo wax iswaydiisashadu waa mida ugu wayn ee uu Aduunku ku dhisan yahay,hadii aanay taasi jirinna waa ay adkaan lahayd in noloshu sidan ay maanta u jirto in ay usocoto .

Hadaba akhriste ma og tahay oo ma kuu mooqataa iyada oo aynu arkayno, inoona muuqato Dunidu in aanay jiri karayn hadii la waayo is-caawin,is-jacayl ,isa-saamax iyo is-raali galin ,in hadana ay dadku jecel yihiin in xaladaahasi oo dhami ay agtooda ka yihiin kuwo aanay ku dhaqmin.

Maxay ayay inoogu aadag yihiin Afartan arimood:-

1.Icaawi ,Icaawi macnaheedu waxa uu yahay ,wax ila qabo ama garab isii,waana kalmad ku tusinaysa in qofka ku leh icaawi ama garab isii , in uu yahay mid kaaga baahan takula,taasi oo ay sababtay in uu qofkaasi caawimada u baahani uu isu arkay ama ay tahayba in uu u baahday cid hawshan la qabato.

Ma jirto cid gaara oo lagu calamadin karo in iyagu ay markasta u baahan yihiin caawimada,waxa laga yabaa in dadka badan kiisu ay isu sawirto in qofkasta oo aan dhaqaale haysani uu markasta u baahan yahay cawimo dhinaca dhaqalaha ah.

Haa waa sax ,waana mid meesha ku jira in qofka dhanka Jeebka aadka uga liita in uu u baahan yahay in laga gargaaro ama wax laga taro, sidii gacanta looga galin lahaa waxooga Sunuuda oo uu dadka ku dhex galo,waana mida ay Diinteena sharafta lihi ay ina fartay.

Balse ma og tahay in qofkasta oo aan dhaqaale ama shilimaad aan gacanta ku haynini in uu yahay mid isagu wax ka caawin kara ,waxtarna u gaysan kara qofka isagu markaasi ah mi dhaqale buuran haysta ,sababta oo ah qofkasta oo maalqabeenii markasta wa uu ka baahi badan yahay ,qofka an Jeebkiisu buurnayn.

Hadaba madaamaa aynu arkayno in qofna aanu ka maarmayn in uu bahidiisa u bandhigo qofka kale ee walaalkii ah,maxay ayay inta badan inoogu adag tahay in aynu qiran-wayno in aynu nahay kuwo markasta baahi u joog ah ,maxaase baahida iyo baryada loogu shaanbadeeya dadka aan markaasi dhinaca jeebka aan ka faraxsanayn.

2.Waan ku jeclahay,Waan ku jeclahay waa kalmad aad u qaali ah,waana kalmad aad ay dadku u jecel yihiin, walaw ay ku adag tahay qofka ay afkiisa kasoo baxayso,qofkasta oo qoraalkan akhrinayaa marka uu Carabka mariyo kalmadan ah “waan ku jeclahay ” waxa markiiba maskaxdiisa kusoo rooraysa kalmada kale ee ah Jacay ama Love,khaasatan dhalinyaradu umalayn maayo in ay kalmadan meelkale ula kacayaan.

Kalmadan waan ku jeclahay ,kalamada kale ee iyagu kasoo horjeedaa waxa ay noqonaysaa waan ku necbahay,labadan kalmadood hadii aad midkasta sideeda ugu fiirsato,waxa aad dareemaysaa in ay dhinaca hadalka iyo dhadhanka ay samaynayaan ay ku kala fiican yihiin,qalbiga iyo garaadkana kala qaboojin og-yihiin.

Iyada oo ay sidaasi tahay ayaa hadana waxa aad inoogu adag qirashada iyo ka run-sheega qofku waxa uu jecel yahay,khaasatan rabitaanka iyo jacaylka u dhaxeeya Raga iyo Dumarka,yar iyo wayn dhalinyaro iyo wayeel ,kalmadan waan ku jeclahay waxa ay agteena ka noqotay mad khaldan.

Hadii aad maanta Inan (Gabadh) aad ku tidhaahdo ,walaal miyaad i jeceshahay ama miyaad jeceshayay qofkaasi,waxa laga yabaa in ay KAB kuula baxdo,kuguna jawaabto maya anigu ma jecli mana rabo,iyada oo ay dhici karto in jacaylka iyo rabitaanka ay u qabtaa uu yahay mid uun ILAHAY og yahay.

Sidoo kale ayaa Raguna waxa ay jecel yihiin lama soo marsiiyo,walibana waxa uu dheer in ay Ragga qaarkii waxyabaha nolosha caadiga ah ee dabiicigaa ee ay jecel yihiin ay ka been sheegaan.

Nin iyo Gabadh midkastaba ha ahaadee,waxaa dhici karta in midkasta hadii aad waydiiso Xaaska ama gabadha uu qabo hadii aad ku tidhaado ma jacayl ayaad isku guursateen,waa ay adag tahay in midina uu qirto Jacaylkii markaasi hayay ama ay ku haasaawi jireen xiligii ay isku cusbaayeen.

Waa maxay sababta ay inoogu adag tahay waan ku jeclahay ama waan ku jeclaa,hadii kalmadahan aadka u macaan qofkastaaba uu dhinaciisa qiran lahaa ,suura gal ma tahay in bulshada gudaheeda wax badani hagaagi lahayeen.

3.Waan ka xumahay; Waan ka xumahay waa kalmad aad u naxariis badan,waana kalmad timaada marka qof ama koox ay khalad muuqda iyo mid qarsoonba ay ka galaan cidkale, loo baahan yahay in khaladkii iyo qaloociiba la qirto.

Khaladka aad gashay waxa uu noqon karaa mid aad u badheedhay iyo mid si kama ah ama is-moodsiis ah kaaga dhacay,taas awadeedna waxaa muhiima si aad khaladkaaga aad uga noqoto mid aan ku murugoon,waxaa raganimada iyo giisinimaduba ay ku jirtaa Rag iyo Dumarba in ay khaladkooda qirtaan,si looga saamaxo danbiyadii ka dhashay khaladkaasi.

Qofkasta oo inaga mida waxaa ku adag in uu khaladkiisa iyo qaloociisa uu qirto,waan khaldamay waxa ay agteena ka noqotay mid aynaan afka soo marin karayn,qofka khaladkiisa qirta waxa uu isu maleeyaa in uu yahay mid liita,kuwa kale ee iyaga laftoodu khaladka loo qirtaana uma haystaan qofka khaladkiisa qirta in uu yahay qof geesi ah ama fiican,waxa uu u arkayaa in uu ka reeyay ama ka badiyay qofkaasi khaladkiisa qirtay.

Hadaba khaladadka oo aan la qiranini inta badan waxa ay ka yimadaan laba arimood,marka hore qofkani shaygan uu ku khaldamay waxaa laga yabaa in uu galay isaga oo aan aqoon u lahayn,taas awadeedna waxa uu ka baqayaa hadii uu khaladkii qirto in lagu caaya laguna tilmaamo badaw iyo aqoon laa’we.

Mida labaad ayaa waxa ay tahay, dadka Somalida oo iska giijidu (is-adkeedu) ku badan yahay iyo isugu faanka waxoogaga yar aqoonta ah ee dadkeenu meelahaa ka bawsadaan oo inta badan ay isku maan dhafaan.

Wax kasta oo aad garan waydo ama aad la seegtay abaarteedii,waxa ay ila tahay shayga kaliya ee daawada u noqonayaa in uu yahay in aad tidhaado waan ka xumahay,sida hadii qalad uu kaaga dhaco qof walaalkaa ah.

Waan ka xumahay waxa kalmad kasta oo lagu odhan karo qofkasta oo aad ka gashay gaf iyo gardaro sida; hadii aad garabka ku dhufatay,hadii aad cay iyo aflagaado u gaysatay iyo hadii aad sharaftiisa iyo karaamadiisa aad ku tumatay,taasi oo ah mida aadka unoogu badan.

4.Isaamax,Isaamax waa kalmad aad u khayr badan,balse waxa ay kasoo yeedhaa oo garta in uu saamax u bahan yahay qof ILAHAY iyo maalinta danbe ee xisaabta ka baqanaaya,iyada oo uu isleeyahay waxaa lagu waydiindoonaa Qiyaamaha gafkii aad walaalkaa ku samaysay.

Hadii inta aad Dunida guudkeeda aad joogto aad qof gardaro iyo gaf aad u gaysato aadse samaxaad iyo danbi dhaaf aadan isaga waydiisan,waa ay adag tahay in danbigaasi lagaa dhaafaa,taas awadeed ayaa waxa inagu adag in aynu qof walaalkeen ah oo aynu danbi ka galnay aynu ku nidhaahno walaal i saamax.

Dadka qaar ayaa waxa ay rumaysan yihiin,hadii qof walaalkood ah oo ay danbi af iyo adinba ay ka galeen ay samaxaad waydiistaan,ase uu ka diido in ay ceeb iyo fadeexadi u imanayso,balse taasi waxa ay ku xidhan tahay hadba danbiga iyo gardarada aad qofka ka gashay inta ay leeg tahay.

Hadii qofka walaalkaa ah aad danbi aad u wayn aad ka gashay, sida in aad ceebo iyo fadeexado aanu lahayn aad Dunida u marisay ama sida maanta muuqata aad facebook iyo baraha warbaahinta aad ku baahisay,waa ay adkanaysaa in qofkaasi si dhib yar uu kuu saamaxo,balse haduu ku diido adiga waxaa lagaga baahan yahay in danbigii aad ka gashay sidii aad uga daba tagilahayd aad falawgeed qabato,raadkasta oo uu yeeshayna aad ka daba tagto.

Soomali hadii aynu nahay anu qiraal ka noqono waxkasta oo aynu samayno,Jacaylada iyo rabitaankana aynu qirano,cafiska iyo danbi dhaafkana aynu is-waydiisano ALLANA aynu wadiisano,Samaxaada iyo isu danbi dhaafkana yaan la ilaabin,hana la iska daayo is adkaynta iyo iska caabinta indha la’aanta ah ee inagu jirta.

Arimahan aynu kasoo sheekaynay oo dhan waxaa saldhig u ah isla-wayni,waana mida keenaysa in ay timaado in aanu dadku isu dulqaadan,isa-saamixin,israali galin,qofkastaaba qumanahiisa uu qoorta sudho.

Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar101@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar