Oodweyne News - Latest Somali News Update

” Xukuumadda Somaliland Kamay Hadala Weerarkii Lagu Laayey Qaxoontiga Reer Somaliland ee Xeebaha Yamen ” : Xoghayaha Guud Ee Waddani

Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa khataro uu hore u sheegay in ay ka dhalan karaan saldhiga Milatari la xidhiidhiyey weerar lagu laayey dad qaxoonti reer Somaliland ah oo saarnaa doon isla mar ahaantaana ku maraayey xeebaha dalka Yeman, waxaana ay si aada Xukuumadda ugu dhaliileen in illaa hada aanay ka hadlin arrintaasi.