Oodweyne News - Latest Somali News Update

MAANSO: AR FARMAAJO FARMAAJO! 16/03/2017

Waa farriin hadalkaygu
Iyo faalka wax sheega
Ar Farmaajiyo Khayre
Intaan soodhuhu foocin
Fahad meel iska saara

 

Ar Farmaajiyo Khayre
Feleg bay lahadlaaya
Intaan caanuhu faarin
Furka haanta kaqaadoo
Fahad diida warkiisa

 

Hashaa feedha ka naaxday
Intaan aarku ka feenan
amaan fooshu hallaabin
Ar Farmaajiyo Khayre
Turubkaa yar fireeya

 

Fursad weeye siyaaso
Intaan fooridu yeedhin
Ar Farmaajiyo Khayre
Igaarkaa fagfagtiisa
Bal fariinka u gaabsha (Fariinka=brake)

 

Intaan faylku qalloocan
Amaan fiintu dhawaaqin
Ar Farmaajo Farmaajo
Faarax baynu ogeyne
Fahad maanta ha eersan

 

Ar Farmaajo Farmaajo
Inta aan fadka muuqday
Galbeed foore u qaadin
Widaygaa ficilkiisa
Feejignaan bal ka yeelo

 

Ar Farmaajo Farmaajo
Inta aan falfalliirka
Fuudku geesta ka dhaafin
Dantu aanay fantoobin
Faashlahaa u yar kaadi

 

Ar Farmaajo Farmaajo
Intaan faaskiyo daabku
Midba gees u finiinin
Amaan fiiguhu yaacin
Filimkaa mar ku laabo

 

Ar Farmaajo Farmaajo
Ar Farmaajo Farmaajo
Warkan fooruhu keenay
Fashil yaad ku danbeyne
Fiiro gaara u yeelo.

 

Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

Image may contain: 2 people, suit
Want to tag Mumtas Abdirisaaq?  

Yes · No