Dr. Gaboose In Ka Badan 40 Sano Uu Ahaa Dhakhtarka Ugu Fiican Soomaalida Ee Dhinaca Neerfaha

Dr. Gaboose in ka badan 40 sano ayaa uu ahaa dhakhtarka ugu fiican Soomaalida ee dhinaca neerfaha, isla muddadaasna siyaasadda ayuu ku jiray oo xilal sare ka hayey ama halgan iyo dagaal adag kaga jiray.

Cigaal oo siyaasadda intaas in ka badan meel sare ka joogay ayey dadkeenu 1996 ku yidhaaheen cid aan adiga ahayn ma hayno, markaasuu yidhi (Allaahuma laa tajcal ummatii umata rajul waaxid” (Ilaahayoow umaddayda ummad nin keliya leh ha ka dhigin).

Qofku waa uu gaboobayaa, maskaxdu sidii hore uma sii shaqaynayso, wax korodhsigii ay caafimaadka iyo siyaasaddu u baahnaayeen maskaxdu uma diyaarsanaanayso, waa in waxaas oo dhan xisaabta lagu darsadaa.

 

Laba jiil ayaa Dr. Gaboose dabadii wax soo bartay, kii saddexaadna hadduu wadaa, intaas haddii ay Soomaaliyi soo saartay ninkii beddeli lahaa wanaagsan, haddi aanay soo saarinna waa dembi dawladnimada iyo ummadnimada aynu ka galnay. Markaa isagu in uu nasto maanta oo uu 70 sano jiray ceeb uma arko, waa in dadka caafimaadka inoo soo bartay ee da’da yar iyo dawladnimadu ka shaqayso sidii loo beddeli lahaa, aqoonyahanka cusubna fursad la siiyo.

Hadraawi ayaa isaguna mar uu Hargeysa munaasabad Mansoor ka dhacday ka hadlay Waqti aan filayo in uu ahaa 1999 kii, waxa uu yidhi, dadkii umadda u hanaqaadi lahaa waxaa ku gudban hebello iyo magacyo waaweyn oo muddo dheer la soo bartay, markaa waa in hebelladaas laga hor qaado. Waa Maalintii uu isna ku dhawaaqay in uu hal-abuurista suugaanta ka fadhiisanayo.

Markaa ha nasto Digtoorku, cid kasta oo la da’ ah oo siyaasiyiintu ugu horreeyaanna jidkaas ha maraan oo mar uun ha la arko bal Soomaali leh siyaasaddii hawlgab ayaan ka noqday, iyo xirfaddii waan ka nastay.

Dhalinta fursad aynu siinno oo hebellada ha laga hor qaado, hana lagu dhiirriyo aqoonta iyo siyaasadda labadaba.

FIIRO GAAR AH:
Sawirka hoose waa Dr. Gaboose oo maanta ah iyo sawir 32 sano ka hor ah oo Addis Ababa arrimo jabhadihii khuseeya uu u joogo (Cidhifka Bidix u xiga), horteedna muddo 10 sano ah ayuu xilal wasiirnimo iyo dhakhtarka gaarka ah ee madaxweynuhu ka mid yihiin ka soo hayey dawladdii kacaanka.

Ragga la sawiran laba ka mid ahi waa ay geeriyoodeen, Madaxweyne Siilaanyo waa hawlgab, Buubaana waa da’ maanta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker