Shacabka Somaliland Oo La Yaaban Talaalka Covid-19 Ee Lagu Muday Maayarka Hargeysa iyo Ku-xigeenkiisa.

Wadamada hore u maray ay mid yihiin dalal ka tirsan qaaradda Yurub iyo Maraykanka iyo caalamka intiisa badan , Talaalka waxa loogu horeysiiyay dadka waaweyn 60 jir iyo wixii ka weyn iyo Dhakhaatiirta iyo dadka xaruunada caafimaadka ka shaqeeya.

Hadaba maxaa keenay in Somaliland talaalkii yaraa ee la keeney ay qaataan ama lagu muddo masuuliyiin da’dooda yar tahay kuwaasoo kow ay ka yihiin Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco Iyo Maayar Ku-xigeenka Cabdicasiis Cagaweyne.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ayaa shalay tallaalka ka daahfurtay gobollada, waxaanay war kooban ku baahiyeen Bartooda Facebook. Waxa ay sheegeen in lagu bilaabay shaqaalaha caafimaadka. Taas beddelkeeda waxa ay isla boggooda ku baahiyeen sawirrada Duqa Caasimadda Hargeysa iyo ku xigeenkiisa oo qaadanaya tallaalkii.
Waxa aan ummadda Somaliland iyo Wasaaradda Caafimaadka labadaba weyddiinayaa:
1. Goorma ayay Cabdiraxmaan iyo Cabdicasiis noqdeen shaqaale caafimaad?
2. Maxaa ay kaga mudnaadeen shaqaalaha caafimaadka ee aan weli la tallaalkii?
3. Ma dad xanuunno kale leh oo nugul baa sida macaanka mise waxa loo tixgeliyay inay sigaarka qiijiyaan?
4. Miyaa laga iibiyay mise dano kale ayaa la dhaafsaday?
5. Ma duqeyti baa midkood waa 38?

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker