Maraykanka Oo Furaya Xarumo Dheeraad ah Oo Lagu Dajiyo Dadka Muhaajirinta Ah

Maamulka madaxwayne Biden ayaa sheegay inay furi doonaan xarumo dheeraad ah oo la dajiyo dadka muhaajirinta ka dib markii ay soo baxeen sawirada xero lagu hayo dad soo galooti ah oo ku taalla gobolka Texas.

Sawirada ayaa muujinaya caruur ku sugan qolal cooshado ka sameysan islamarkana aad u cidhiidhi ah.

Xaruntani ku taalla gobolka Texas, ee ay dowladda maamusho oo gaar ahaan ku taalla Donna oo ku taalla xuduuda Mareykanka iyo Mexico ayaa la sheegay inay ku jiraan 1,000 qof.

Sawirada la helay ayaa ah kuwii ugu horeeyay oo muujinaya xaaladda ay ku sugan yihiin dadka xarunta ku jira tan iyo intii uu xilka la wareegay madaxwayne Joe Biden.

Dadka dhaliila maamulka Mr Biden ayaa sheegaya in sare ay u kacday tirada muhaajiriinta sharci darada ah ee Mareykanka soo galaya.

Tan iyo intii uu xilka la wareegay bishii January, Mr Biden waxaa u meesha ka saaray xayiraadihii uu madaxwaynhii ka horeeyay, Donald Trump uu ku soo rogay soo galootiga sharci darada ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker