Xildhibaan Axmed Xaashi Cabdi Oo Ku Geeriyooday turkiga Iyo Madaxweynaha Oo Tacsi u Diraya

Xildhibaan Axmed Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland ayaa maanta geeriyooday.

Xildhibaan Axmed Xaashi Cabdi ayaa waxa uu ku geeriyoodey cusbitaal ku yaalla dalka Turkey.
Waxaana tacsi u diraya Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, halkan hoose ka akhriso tacsidaas:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golaha Baarlamaanka gaar ahaan golaha guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Xaashi Cabdi oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 20/03/2021 dalka Turkiga.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey xildhibaan ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, xilal kala duwana ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey ee Somaliland, muddooyinkii u danbeeyeyna ka mid ahaa golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golaha Baarlamaanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker