Qarax Caawa Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Wararka ka soo baxay Qarax Miino oo caawa ka dhacay agagaarka isgoyska lambar afar ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa la dhigay laamiga dhinaciisa. Ciidamada ammaanka oo qaraxa ka hor soo gaarey goobta ayaana xiray wadada, kadib markii ay wargeliyeen dad goobta ku sugnaa.

Ilaa hadda ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxa. Laamaha ammaanka ayaana weli faah-faahin ka bixin qaraxa.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmahii dambe, waxaa ku soo badanayay qaraxyada nuuca miinada ee laamiga dhinaciisa la dhigo, kuwaasi oo lala beegsada saraakiisa iyo mas’uuliyiinta dowladda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker