Poland oo xayirtay Ilaalada Madaxweynaha Koonfur Afrika

Koox ilaalo u ah madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa ku xayiran diyaarad ku sii jeedda dalka Poland muddo saacado ah.

Waxa lasoo weriyay in mas’uuliyiintu ay diideen in iyaga iyo saxafiyiinta la socday u ogolaadaan in ay ka soo degaan diyaaradda si ay usii wataan safarkooda Ukraine halkaas oo Cyril Ramaphosa uu hogaaminayo howlgalka nabadda ee madaxda Afrika.

Duulimaadka diyaardda SAA oo u kiraysneyd in ka badan 120 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ka degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Chopin ee magaalada Warsaw gelinkii dambe ee Khamiista.

Madaxa ilaalada ammaanka ee Ramaphosa, Maj Gen Wally Rhoode ayaa sheegay in dowladda Poland ay xagaldaacineyso ammaanka madaxweynaha .

” Dib ayeey noo dhigeen, waxayna halis geliyeen nolosha madaxweynaheena,” ayuu u sheegay weriyaasha.

“Maxaa yeelay hadda waxaan joogi lahayn Kyiv, tanina waa waxa ay guud ahaan sameynayaan. Waa in aad aragtaan sida ay cunsuriyiin u yihiin.” ayuu intaasi ku daray.

Masuuliyiinta Poland ayaan ka hadlin xaaladda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker