Madaxweynaha Cusub Ee Tanzania Samia Hassan, Kadib Geeriddii Madaxweynihii Hore Ee Dalkaas

Madaxweynaha Cusub Ee Jamhuuriyadda Tanzania Samia Hassan, Kadib Geeriddii Madaxweynihii Dalkaas Mr John Magafuli.
Marwo Samia Hassan, ayaa Taladda dalka la wareegtay Markii Uu Xalay Geeriyooday Madaxweyne John Magafuli. Samia Hassan, ayaa Markii Hore ahayd Madaxweyne Ku Xigeenka Dalka Tanzania.
Marwo Samia Hassan Ilaahay Ha Ku Asturo Xilkaa Culus Ee Ay Qarankeedda U Qabtay.
Dalka Tanzania Oo Ka Mid Ah Dalalka Bariga Afrika, ayaa galay toddoba Cisho Oo Baroor Diiq ah, Isla-markaana Waxa Dalka Ka Socda aas Qaran Oo Lagu Duugayo maydka Madaxweyne John Magafuli. Sidoo kale Waxa Heegan Culus La galiyey Dhammaan-ba Ciidamadda Qalabka Sidda Ee Dalka Tanzania. Iyadoo Hoos loo Dhigay Calanka Jamhuuriyadda Geeridda Madaxweyne John Magafuli Oo Uu Sababay Xanuunka safmarka ah ee Covid 19.
Madaxweyaha Cusub, ayaa Dalkaas hogaamin doonta shanta Sanno Ee socda, Sidda Uu dhigayo dastuurka dalku marka Uu dhinto Madaxweynuhu Inuu ku Xigeenkiisu sii dhamaystiro Muddo xileedka. Waxaanay noqonaysaa Taariikhda Afrika haweenaydii Saddexaad ee dal Afrikaan ah Madaxweyne Ka noqota, Iyadoo ay ka horeeyeen Ellen Johnson Sirleaf oo mar loo doortay madaxweynaha dalka Liberia iyo Madaxweynaha Dalka Ethiopia oo Marwo Sahle-Work Zewde.
Si Kasta ha ahaatee Madaxweynaha Cusub Ee Jamhuuriyadda Tanzania SAAMIYA SAALAX XASAN, ayaa Sidda ay sheegayaan Warar Hoose oo isasa soo tarayaa inay asal ahaanteeddii hore ka soo Jeeddo Soomaalida qarnigii 18-naad u haajiray Dalkaas.
May be an image of 3 people, people standing and outdoorsMay be an image of standingMay be an image of 1 person

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker