Ra’iisul Wasaaraha Israel Oo Socdaal Ku Tegaya Imaaraadka Carabta

Wararka ayaa sheegaya  in Netanyahu uu booqasho rasmi ah ku tagi doono Imaaraadka Carabta beri oo Khamiis ah, booqashadaasi oo u baaqatay khamiistii la soo dhaafay, sababo lagu sheegay Isfahan darro marinka safarkiisa kaga timid dhanka hawada Jordan.

Sida uu daabacay Wargeyska Yediot Aharonot, Netanyahu ayaa sheegay in 4 waddan oo cusub oo ka tirsan kuwa Carab ay heshiisyo nabadeed la gali doonaan Israa’iil goor dhow, balse ma uusan shaacin magacyada dalalkan.

Khamiistii la soo dhaafay, Netanyahu oo adeegsanaya bartiisa Twitter-ka, qoraal uu luqadda Carabiga ku qoray ayuu ku sheegay in caqabadahii la xadhiidhay booqashadiisa Imaaraadka xal laga gaaray, wuxuuna yidhi, “arrimahan sida muuqata waxay ka yimaadeen baajinta booqashadii Dhaxalsugaha Jordan ee Masjidka Barakeysan taasi oo ka dhalatay muran ka dhashay tallaabooyinka amniga ee la qaadayo.”

Sarkaal sare oo Israa’iili ah ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in booqashadii Netanyahu ay u baaqatay sababo la xiriira diidmo ka timid Urdun taasi oo sida muuqato jawaab u ah is hortaagii ay maamulka Israa’iil ku sameeyeen booqashada dhaxalsugaha Jordan Xuseen bin Cabdullaahi ee Masjidka Al-Aqsa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker