Maamulka Gobolka Banaadir Oo Soo Saaray Ganaax Lacageed Oo Ku Saabsan Afxirashada

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray ganaaxyo lacageed oo laga qaadayo dadka aan isticmaalin Af-xirashada (Face Mask) si loogu hortago Caabuqa COVID-19

Kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir uuna shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalda Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee xakameynta cudurka COVID-19 iyo halka ay marayaan wacyi gelinta ka socoto 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir.

Shirka oo saaco badan socday ayaa la isla qaatay in la hirgeliyo qaadashada afxirka (Face mask), iyadoo ciddii u hogaansami weysanaya laga qaadi doono tallaabooyinka soo socda.

 

Ganaax
Dadka ku dhaqan gobobolka Banaadir markasta oo ay ka soo baxayaan gurigooda waxaa la farayaa inay xirtaan afxirka (face mask) cid Allaale iyo ciddii aan xiran waxaa la ganaaxayaa lacag dhan shan dollar, lacagtaas waxa u uku bixinayaa goobta lagu qabtay, haddii uu bixin waayanaya waxaa la geynayaa saldhigga ugu dhaw goobta lagu qabtay.

Ganaaxa goobaha Ganasiga
Goobaha ganacsiga cid Allaale iyo ciddii soo gasha Afxirasho la’aan waxaa milkiilaha goobtaas lagu ganaxayaa lacag dhan konton (50$) dollar.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa laamaha ammaanka faray inay fuliyaan awaamiirta ka soo baxday Maamulka ee lagula dagaalamayo cudurka COVID-19 oo dhibaato ku haya dalkeenna.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker