Madaxweyne Md. Muuse & wefdiga uu hogaaminayo oo u socdaalaya USA

Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi balaadhan oo u hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxaya socdaal muddo qaadan doona oo ay ku tegayaan dalka Maraykanka.

Weftiga Madaxweyne Muuse Biixi oo ay xubno ka yihiin Wasiirro iyo qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee dalka, oo la sheegay inay ku safri doona baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland, kadib markii ay fiisaha dal-ku-galka ka heleen Safaaradda Mareykanku ku leeyahay waddanka Jabuuti, ayaa ka kooban Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Warfaafinta Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Wasiirka Ganacsiga Md Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), Wasiirka Degaanka marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Sidoo kale, wefdiga Madaxweynaha JSL ayey xubno ka yihiin ganacsatada waaweyn ee dalka, sida, Maxamad Siciid Ducaale (Dahabshiil), Maxamad Siciid Geeddi (Maxamad Aw Siciid), Cabdikariim Maxamad Iid (Telesom), Cabdinaasir Aadan Nuur iyo Dr Jaamac Muuse Jaamac, Gudoomiyaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Ciise Kayd Maxamuud, oo ka sii horeeyey, si uu gogol-xaadh ugu sii sameeyo wefdiga.

Wefdiga Madaxweynaha JSL oo la ogeyn mudada ay ku maqnaan doonaan, iyo kulamada u qorshaysan ayaa dhinaca kale Machadka Heritage ayaa bartiisa ku baahiyey in Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi, uu 14 March khudbad ka jeedin doono cinwaankeedu yahay “Ballanqaadka Wayn ee Xidhiidhka U.S. iyo Somaliland”

Kulanka oo bulshada Somaliland eek u nool dalka Maraykanku ka soo qeybgeli doonto ayaa Machadka Heritage raaciyey in Madaxweyne Muuse Biixi uu khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo la xidhiidha muhiimada xidhiidh dhexmara Somaliland & Maraykanka ka jeedin doono habeenimada Axada ee 14 March.

Talaabada socdaalka Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi iyo wefdigiisa ee Maraykanka ayaa loo arkaa inay tahay marxalad go’aamin doonta siyaasadda mustaqbalka Somaliland, iyo talaabo ay ku dalbanayso xuquuqdeeda, kuna gaadhayso hadafkeeda madaxbanaanida JSL.

Jaaliyada Somaliland ee Maraykanka ayaa wada abaabul balaadhan oo lagu soo dhawaynayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefdigiisa oo maanta sabti safar shaqo ugu baxayaa dalka Maraykanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker