Soomaaliya Oo La Sheegay Inay dagaal Dhanka Hawada ah ku hayso Somaliland

Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Ilka Case oo kamid ah muddanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay in Dowladda Somaliya ay dagaal dhanka Hawada ah ku hayso Somaliland, isla markaana ay mararka qaar Hawada ka saaraan Taawarka laga haggo diyaaradda ee Madaarka Hargeysa ku yaal,taas oo sababta in diyaaraddo kusoo jeeday Somaliland marka ay xidhiidh waayaan inay dib u noqdaan

Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan (Ilkacase) ayaa sidaas ka sheegay mar uu haddal ka jeedinayey xarunta Golaha Guurtida Somaliland,waxaanu haddalkiisa ku bilaabay sidan:-“Waxa kale oo aan arkaynaa oo caqabad baddani ay kusoo kordhayaan,iyadoo ay markii horeba ay iska laan-gadhaynaysay arrimihii Hawada,Somaaliya taawaradii wey la wareegtay,wax-baddan oo qarsoon oo aynaan xog ka haynina wey jiraa,xogta soo baxaysa waxa kamid ah in Taawarka Hargeysa yaal uu ka Xamar yaallaa ka awood baddan yahay oo saacad ale saacada ay doonto ay ka bakhtiiso ka Somaliland yaalla,debeetana Diyaaradii Somaliland kusoo socotay haddii ay ilbidhiqsi keliya ay ka weydo Hawadda Taawarkii ay la xidhiidhaysay khalkhal amni ayaa imanaya iyo baqasho baddan,waxaynu soo jeedinaynaa bal Hay’adda duulista in aynu cid uga yeedh-no si aynu xog uga helno arrimahaasi waa arrimo soo xoggeysanaya.”

Geesta kalena waxa uu sheegay in maamulka Xamar ay bilaabeen in diyaaradda aan ruqsad ka haysan iyaga in aanay kasoo deign Madaarada Somaliland,waxaanu ku baaqay inay Golaha Guurtidu u yeedhaan Mareeyaha Hay’adda Duulista iyo Hawada Somaliland si wax looga weydiiyo arrimahaas soo kordhay “Waxa kale oo ku jira oo iminka ay bilabeen wax ale wixii duulimaadyo wadankii Somaaliya la isku odhan jiray imanayey inay diiwaangeliso Dowladda Xamar oo ay calankii ku dhejiso oo diyaarad aan halkaa laga diiwaangelini meel ay kusoo degi kartaa aanay jirin ,taasina waxa an filayaa caqabad ayey inagu noqon doontaa ,markay wax dhacaan ayeynu qaylinaa waxaad moodaa inta hore in aynu ka hurudno ,waxaynu u baahanay in arrinkaa wax la iska weydiiyo oo aynu u yeedh-no Mareeyaha Hay’adda Duulista”. Ayuu yidhi Xil Maxamed Ilkacase

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker