Xildhibaan Nacnac Oo Ka Xogwaramay Xaaladda Guud Ee Gobolka Hawd

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta ka warbixiyey xaaladda guud ee gobolka Hawd oo uu sheegay in ay gaabaabsi ku yihiin biyuhu oo bulshada gobolkaasi aad ugu baahan tahay, isaga oo illaahay ka baryey inuu raxmadiisa u shubo waxa kale oo uu xildhibaanku sheegay in deegaano dalka ah ay ka jirto abaari.

Waxa kale, oo uu xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) ka hadlay golahooda oo wakhtigu ka sii dhammaanayo oo uu xusay in muddadii ay golahaas joogeen ay meelmariyeen xeerar badan oo uu qaranku u baahnaa, inta xilka uga hadhayna ay ku dedaali doonaan in ay ansixiyaan intii suurtagal ah xeerarka horyaala golaha wakiillada.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) waxa uu bogaadiyey barnaamijka shaqo qaran oo uu hirgelintiisa lahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo uu tilmaaamay in uu door weyn ka qaatay shaqo abuurka dhallinyarada, isaga oo sheegay inuu meesha ka saaray weji garashadii shaqo gelinta korna u qaaday in dhallinyarada lagu shaqaaleysiiyo aqoontooda.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker