Cancer-ka ku dhaca Qanjidh-ka Manida ama Shahwada oo faro-baas ku haya Ragga Qaad-ka Cuna

Ka hortago waxa uu ka fiican yahay Is-daweynta, waa murti ama weedh ku baahday Isticmaalkeedu dhinaca Caafimaadka. Waxa Dunidan aan ku noolahay ku soo batay Xanuunada jiitama ee loo caalwaayey, Sida Canser-ka Macaan-ka, xanuunada sigaarku sanbabada ku reebo, wadno xanuun-ka, Tuf-ta, Dhiig-karka iyo xanuuno kale oo jiitama oo ku yimaada Cunitaanka Qaadka. dhaqan kasta oo dunida laga helo waxa uu leeyahay qayb wanaagsan oo wax-tar leh iyo qayb xun oo khaseere keeni kara, tusaale dadka Somaalidu wey qariyaan haddii Xanuunada qaar ka mid ahi ku dhacaan. Dhakhtar u dhashay dalka Denmark ayaa war-bixin caafimaad oo uu soo saaray ku sheegay in Ragga Somalida ee Qaad-ka Cuna uu faro-baas ku hayo Canser-ka ku dhaca Qanjidh-ka Manida ama Shahwada. Dhakhtarka oo sii faahfaahiye war-bixintiisa ayaa yidhi Canser-kani, waxa caadiyan uu ku dhacaa Ragga Da’doodu ka weyn tahay 45 sano, laakiin Ragga Qaad-ka cuna ee aan baadhitaanka ku sameeyey, siiba Somalida waxa uu ku bilaabmaa Canser-kani marka da’doodu 40 sano gaadho. waxa kale oo dhakhtarku hoosta ka xariiqay in Qaad-ku waxyeelo weyn gaadhsiiyo xubnaha Taran-ka ee Ragga, isla-markaan dilo Hamada am Nin-nimada Ragga.
Qanjidh-ka manidu waa qanjidh ragga ku jira oo sameeya dareeraha isu keena qayb ka mid ah manida. Cabbirkiisu waa ilaa 2 sentimitir X 2 sentimitir wuxuuna ku yaalaa Sinaha ama inta u dhaxaysa Duburta iyo Xiniinyaha. Qanjidh-kani waxa uu isticmaalaa hormoonka ragga ee loo yaqaanno testosterone si uu si caadi ah ugu shaqeeyo.
Calaamadaha lagu yaqaan Cancer-ka Qanjidh-ka Manida ama Shahwada ku dhaca.
• Kaadi faro-badan, siiba habeenkii.
• Iyada oo kaadiyi ku hayso oo haddana aanad kaaji karayn….Kaadidii oo aan kaa soo baxayn iyo Kaadida oo aad Xejisan-kari-weydo iyo waliba Kaadida oo kaa soo qubata mar-marka qaar.
• Kaadida oo si daciif ah u socota
• Kaadida oo ku xanuunjisa ama ku gubta
• Manidu markay ka imaanayso xubinta taranka ee Ragga wakhtiga galmada oo aad xanuun-ka-dareento.
• Dhiig soo raaca kaadida ama manida
• Xanuun ama giigsanaanta dhabarka qaybtiisa hoose, miskaha ama bowdyaha sare
U tag dhakhtarkaaga haddii aad isku aragtid wax ka mid ah calaamadahaan kor ku xusan.
Halis ayaad u tahay Canser-ka noocan ah haddii ay:
• Da’daadu ka weyn tahay 45 sano
• Aad leedahay aabbo ama walaal hore u qabay kansarka qanjidhka
• Asal-kaagu Afrika ka soo jeedo? ama tahay nin Madow oo u dhashay Africa.
• Aad cunto cunno dufanka xooluhu aad ugu badan yahay iyo Qaadka.
Ka Hortaga Canser-ka Qanjidh-ka Manida
La-xidhiidh Dhakhtarkaaga oo samee Baadhitaan sanad-kiiba hal mar.
Ragga Cadaan-ka ah waxa la baadhayaa wixii 50 sano ka weyn. Ragga Madow ee ka soo jeeda Afrika waxa la baadhayaa wixii 40 sano ka weyn. Ragga Qaad-ka cuna waxa la baadhayaa wixii 30 sano ka weyn.
• Baadhidda dhiigga ee PSA (Prostate-specific antigen) Heerka PSA ee dhiigga ku jira wuu ku badanyahay ragga qaba kansarka qanjidhka.
• Baadhitaanka Malawadka (PR)
Haddii baadhitaankaagu muujiyo in aad qabto kansarka qanjidh-ka Shahwada, baardhtaanno kale ayaa laga yaabaa in loo baahdo.
Wax yar ayaa laga jarayaa qanjidh-ka si looga baadho loona hubiyo in uu unuga kansarka ku jiro.
Waxaana loo yaqaanna unugyo ka soo qaadidda jidhka.
Daryeelkaaga
Haddii aad qabto kansar-ka qanjidh-ka, dhakhtarkaagu wuxuu kaala hadli doonaa kala doorashooyinka daaweynta.
Kuwaan waxaa laga yaabaa in ay ku jiraan:
• Qalliin
• Shucaac ama kaah isku daaweyn (Laser)
• Kiimiko isku daaweyn
• Sugitaan baxnaano, ilaalin badani ku jirto, ama feejigaan xoog leh.
Waxa soo Tarjumay soona Habeeyey: Osman Abdillahi Sool……Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker