NOLOSHA IYO SHAHAADOOYINKA (1)

“Dadka ku deg-degaaya qaadashada warqadda Shahaadada aqoonsiga iyo caddeynta waxbarashaddau ah ayaa ka badan kuwa ku deg-degaaya helida waxbarasho iyo tacliin rasmi ah oo si dhab ah u anfacda noloshooda”.Uruursiga iyo gurashada shahaadooyin badan nolosha waa guusha ugu weyn dadka waxbaranaaya,warqadaaasi yari waxa ay ku jirtaa warqadaha loogu jecel yahay kuwa la gudoomo amma loo shaqeysto.Waxaan arkeynaa maanta dad raba in ay u hellaan oo ay u qaataan sida ugu deg-dega iyo xawaaraha  sarreeya,waa waali sidda loo guranaayo warqadaasi Wakhtigani,warqadaasi shahaadadu sida warqaddaha lacagta qasnado adag loogu rito ayey   iyaduna inooga heshey illaalada ugu sarreysa ee wax lagu dhawro. 

nolosha waxaan arkeynaa dad kooban oo loogu yeedhaayo “Aqoonyahan“,dadka oo dhami maaha aqoonyahano,hase ahaate kuwii lagu arkey iyaga oo qallinjebinaaya amma shahaadooyin la guddoonsiinaayo ayaa deg deg ugu yeedheen aqoonyahano, Maggacoodana laga horreysiinaaya Engineere,Dictore,Dr.oo lagu daraaya,Inteena wadamada qurbaha wax ku soo baratey ayaa sannado badan soo maqleysey iyada oo macallimiintii iyo maamulayaashii goobaha waxbarasho loogu yeedhi jirey erayo ixtiraam,qadarin,weyneyn iyo mid la xidhiidha heerka qofku aqoonta iyo shaqada ka gaadhey.Waxaana jirtey in dadka khibrada aqooneed leh ay waajib u arkaayeen in “Title” kooda la sheego amma loogu yeedho,taasi oo ka muuqata dusha xafiisaadka ay fadhiyaan. 

Aqoonyahan badan waxa ay qaateen oo ay heystaan Shahaado jaamacaddeed oo ay ku soo tabceen kuna bixiyeen saddex,afar iyo shano sanno oo wakhtigooda ah,muddadaasi oo ay si sax ah wax u soo barteen iyaga oo sameeyey akhris iyo cilmi baadhis qoto dheer.waa wakhti dheer iyo socdaal aqoon lagu raadinaayey ugu danbeyna lagu wada helay cilmi iyo warqad adag oo caddeyn u ah “Degree“.Dadkaasi oo kale in magacyadooda laga horreysiiyo erayo ixtiraam amma takhasus wax u diidaya ma jirto maxaa yeellay dedaal,daacadnimo iyo aqoon ayey la yimmadeen oo runta ka sheegeen.waadse aragtey  dadyow badan oo aqoonta faan iyo is muujin ka dhigtey kuwaasi oo inta ay ka fekiraan helida aqoon iyo xirfad rasmi ah in ka badan ka jecel in la sheego waxa ay dhiggteen iyo takhasuuskooda oo ku deg degaaya qoroshada iyo sheegashada “Title” aaney u qalmin amma aaney u bislaan sida Professor Dr.PH.D.Kooxaasi Dambe Marka ay xitaa warqadyar qorrayaan waxa ay jecel yihiin  in Takhasuskoodu a muuqdo.HR,DBM,MBBS,PG,BBA,MBA,waa soo gaabino Meel kasta kaaga soo horbaxaaya oo loo isticmaalaayo cilmiyo iyo aqoon kala duwan cid sheeganeysa run iyo been intaba.Shahaadooyinka  iyo aqoonta uma qaadaneyno/baranin in aan sumcad iyo caanimo ku helno,waase run in wakhtigan nolosha lagu arkaayo dad badan oo shahaado u sita wax aaaney fahansaneyn haddana raba in ay sumcad ku hellaan iyaga oo aan u qalmin “Title” ka. 

Jaamacaddaha/Dusiyada iyo macaahida waxa ay yihiin tukaamo dadka wax baranayaa ay ka dukaameysanayaan iyaga oo ka guranaay nooca shahaado ee ay rabaan,kuwo badanse waxa ay macmiilka u imanaaya siinayaan warqad maggaciisu ku qoran yahay oo aan laheyn tayo dhaafsiisan intaasi.”Magac aqoon cilmi aad baratey oo ku qorran warqaddi macno buuran sameyn maayo,waxase nuxurka iyo macnaha sameynayaa waa waxa ku duugan maskaxdaada,kartidaada iyo sida aad u iibin karto hibooyinkaaga aqoontu taageereyso.in aan kabadhada iyo shandadaha ka buuxsano shahaadooyin badani maaha guul aan ka gaadhney waxbarashadda guushuse waxa ay ku xidhan tahay sidda aan u intifaacsano wixii aan baraney . 

 

La soco qeybta dambe 

Abdifataah M.Ahmed 

Ceelaabe_10@hotmail.com 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker