Wararkii ugu dambeeyey doorashada UGANDA iyo cidda hoggaamineysa

Dadka Reer Uganda ayaa shalay u dareeray codbixinta doorashada madaxtinimo iyo midda baarlamaaniga. Madaxweynaha, 76-jirka ah ee talada haya, Yoweri Museveni, oo muddo 35 sanadood ah dalkaasi soo xukumayay, ayaa doonaya in shanta sano ee soo socota mar kale la doorto. Ilaa iyo 10 murashax ayaa la baratamaya waxaana ugu cad cad, Robert Kyagulanyi, oo loo yaqaan Bobi Wine oo 35 sana jir ah, kana tirsan baarlamanka dalkaas.

Codadka ilaa haatan la tiriyay waxa ay wararku sheegayaan in uu ku horreeyo Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Yoweri Museveni, waxaana si horudhac ah saakay uu guddiga doorashada gacanta ku haya uu shaaciyay in Kaguto uu ka codad badan yahay Wine.

Museveni ayaa helay 1,536,205 (Hal Milyan, Shan boqol, Soddon & lex kun, labo boqol iyo shan) codad ah oo u dhigma (65.02%), halka Robert Kyagulanyi (Bobi Wine) uu heysto 647,146 (Lex boqol, afartan & todobo kun, Boqol, afartan & lex) cod (27.39%), waxaana laga soo uruuriyay ilaa 8,310 oo goobaha codbixinta ah.

Dowladda ayaa hawada ka saartay baraha bulshada, qaar badan oo ka mid ah kormeerayaashii caalamiga ahaa ee doorashada kor joogteyn lahaana wey qaadaceen.

Ururada xuquuqda aadanaha u dooda oo ay ka mid tahay hey’adda Amnesty International ayaa ku baaqay in dowladda Uganda ay qaaddo xayiraadda ay ku soo rogtay baraha bulshada.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker