Taliyaha Ciidamada Dab-damiska Somaliland Oo Ka Warbixiyey Hawl Qabadka Ciidamada Dab-damiska.

Taliyaha Ciidanka Dab demiska qaranka Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo Maanta Xogwaran siinayay Wakaaladda Wararka ee Solna ayaa faahfaahin ka bixiyey hawl qabadka Ciidanka dab demiska.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Dab demiska qaranku waxa uu sheegay in Ciidankan oo la aasaasay sannadkii 2014-kii lagu furay 30 Askari haatana ay ka hawl galaan 410 Askari oo u badan dhallinyaro aqoon jaamacadeed leh.

Waxa uu Taliye Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili sheegay in Ciidanka dab demiska qaranku ay 11 Xarumood ku leeyihiin gobolada dalka Sida Magaalooyinka Boorama,Wajaale,Gebilay,Berbera,Burco, Laascaanood, Ceerigaabo iyo Caasimadda Hargaysa oo afar xarumood ah.

Waxaa Kale oo Taliyuhu sheegay in sannadkii ina dhaafay ee 2020 ay Ciidanku sameeyeen Kun iyo Toban Hawlgal Goboladda Dalka oo dhan, Waxaanu intaas ku daray in mudadii ka soo wareegtay aasaaska ciidankani ay sameeyeen Afar kun ,Boqol Shan iyo Sodon hawl gal oo u kala baxa Dab demin,bad-baado nafeed mid Xooleed, Bad baado hantiyeed oo isugu jira Guryo, Gaadiid, Bakhaaro, Kaalmo Shiidaal, Bacadlayaal, iyo Wershado.

Taliye Sawaaxili waxa uu bulshadda Somaliland ka dalbaday inay Ciidanka ku gacan siiyaan gudashadda waajibaadkooda shaqo maadaama ay badbaadinayaan nafo iyo hanti dalkani leeyahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker