Maamul Xumo Laga Soo Sheegayo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Qaranka Somaliland oo ka mid ah Wasaaraddaha ugu miisaanka Culus ee Qaranka ayaa xaalad maamul oo cajiib ah ku sugan, Waxaanay hadda maraysa heer ay Shaqaalaha Wasaaraddaasi u hanqal taagaan talaabo iyo Gurmad uga timaadda dhinaca Madaxweynaha Qaranka Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Wargeyska Foore oo kormeer hawlleed ku tagay maalmihii u dambaysay Xarunta Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee Magaaladdda Hargeysa si uu ugu kuurgalo hanaanka shaqo iyo hawleed ee ay qaranka ugu adeegto ayaa kala kulmay Xaalad Culus oo maamul kaasi oo u baahan in si deg deg ah loo dabiido marka loo eego Shaqada baahsan ee adag ee ay Qaranka u hayso iyo hawlaha Caafimaad ee ay gacanta ku hayso ee ay umadda ugu xilsaaran tahay.

Muddo todobaad ah oo Wariye Wargeyska Foore ka tirsani ugu Kuurgalayay Shaqadda Wasaaradda ayaa waxa uu kala kulmay xaalado u baahan in aanu Bulshada kula wadaagno halkan, soonna bandhigno xalaadda dhabta ah ee ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ku jirto wakhtigan.

Waxa gabi ahaanba dalka ka maqan oo xafiiskiisii in muddo ah xidhan yahay Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mahdi Cismaan Buuri kaasi oo la sheegay inuu Dalka ingiriiska ugu maqan yahay safar gaar ah. Dhinaca kale waxa iyaguna inta badan aan xafiisyada kasoo xaadirin Wasiirka Caafimaadka Cumar Cali Cabdilaahi iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, waxaanay xaaladdani saamayn ku yeelatay geeddi socodkii Hawlaha Wasaardda iyo dada subax walna u soo adeeg doonta Wasaaraddan oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee umaddu baahida weyn u qabto.

Waxa sidoo kale aad u yar shaqaalaha Wasaaradda ee Goobta Shaqadda yimaadda iyadoo aanu ku soo aragnay Xafiisyo kale oo Muhiim ah oo xidhnaa kuwaasi oo ay shaqaalihii ka shaqaynayay ay niyadjab, hogaamin xumo iyo la xisaabtan la’aan lasoo daristay awgeed ay iskaga maqan yihiin.

Waxa ay Xafiisyadda xidhan iyo masuuliyiintii Ugu saraysay wasaaradda ee aan shaqadda kasoo xaadirin ay Culays bini-aadanimo ku noqotay Dadka Bukaanka ah ee Xaaladdood Caafimaad waxba lagaga qaban kari waayay Dalka Gudihiisa ee Dhakhtaradda Dibadda loo qaado, kuwaasi oo lifaaq Caafimaad kasii qaata Wasaaradda. Waxa warqaddan sharci ah inay saxeexaan Wasiirka, Wasiir Ku xigeenka iyo Agaasimaha Guud hadba ciddii markaa leh masuuliyaddaasi, waxaana marka la waayo xaalad adag wajaha dadkaasi, kuwaasi oo xaaladdooda Caafimaad ay Culus tahay islamarkaana dhib badan kala kulmay maalmo badan Xafiisyada Masuuliyiinta ugu sarreeya oo xaalad aan la garanayn Xafiisyaddooda shaqada uga maqan inta badan.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka oo Wargeyska Foore kula kulmay Xarunta Wasaaradda ayaa noo sheegay inay sugayaan uun talaabo macquul ah iyo gurmad uga yimaada Dhinaca Madaxtooyadda ama Madaxweynaha Somaliland oo awoodda ugu saraysa ee Xaaladdan wax lagaga qaban kara uu dastuurku siiyay.

Sidoo kale, Wargeysk Foore ayaa ogaaday hoos u dhaca dhinaca shaqadda ah oo guud ahaan ku yimid Shaqadda wasaaradda Horumarinta Caafimaadka taasi oo aad ka dareemayo hawl maalmeedka Wasaaradda oo aad moodo in laga guuray, Waxaanay dad u dhuun daloolaa ay noo xaqiijiyeen inay Hay’addihii la shaqaynayay Wasaaraddu ay intooda badan yareeyeen mashaariicdii ay wasaaradda kala shaqayn jireen, taasina ay keentay inay si weyn hoos ugu dhacdo shaqadii Wasaaradda ee xaliga ahayd.

Isku day badan oo Wargeyska Foore xidhiidh kula sameeyay Dhinaca khadka taleefanka masuuliyiintan ayaanay noo suurtagalin kadib markii ay naga qaban waayeen Taleefannadda Gacanta, islamarkaana aanu ka waynay Xafiisyadooda oo inta badan xidhan.

 

@ Foore

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker