Soomaaligii ugu horreeyey oo ka mid noqday Senate-ka Gobolka Oregon ee Dalka Maraykanka
Golaha Aqalka Senate ee gobolka Oregon ee dalkan Mareykanka waxaa markii ugu horeysay taariikhda waxaa loo dhaariyey inuu xubin ka noqdo nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Kayse Jaamac.
Keyse ayaa waxa uu horey uga shaqeyn jirey arrimaha bulshooyinka soo-galootiga ah ama laga tirada badan yahay.
Kayse Jaamac oo hore ugu tartamey xilkan gollaha duqowda gobolka Oregon ayaa waxaa la tartamay Shemia Fagan oo xilligaasi ku badisay kursiga balse haatan qaadatay shaqo kale oo ah xoghayaha ama diiwaan-hayaha gobolka Oregon.