Sugida Xisaabaha/Akawnada Wasaaraddaha iyo Hay’adaha Dawladda Uga Furan Bangiyada Gaarka Ah.

Kulan heer sare ah oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe ayaa laga soo saaray go’aamo lagu sugayo is la markaana lagu xakamaynayo xisaabaha uga furan Hay’adaha Dawladda Bangiyada Gaarka loo leeyahay ee Dalka.
Munaasibadan oo ay kasoo qaybgaleen Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Md. Muuse Ibraahim Yuusuf (Selef), Gudoomiyaha Bangiga Dhexe Md. Cali Ibraahim Baqdaadi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Md. Maxamed Cabdi Gurxan, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Md. Axmed Daauud Geedi, masuuliyiinta laamaha Bangiga Dhexe iyo masuuliyiinta bangiyada gaarka ah, waxay ujeedadiisu ahayd sidii loo midayn lahaa dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee Hay’adaha Dawladda, is la jeerkaasna loo heli lahaa Miisaaniyadd dhamaystiran oo ay ku jiraan lacagaha deeqaha ah. Talaabadan ayaa ah mid lagu xaqiijinayo mabaadi’da Daah-Furnaanta iyo Isla-Xisaabtanka.
Kulanka oo qaatay saacado badan waxa laga soo saaray qodobadan 4-ta ah:
1.Hay’ada Dawladdeed ee xisaab (Account) ka furaynaysa bangi gaar loo leeyahay waa inay haysato ogolaanshaha Xisaabiyaha Guud ee Dawladda oo ka wakiil ah Guud ahaan Dawladda iyo Wasaaradda Maaliyadda JSL.
2. In Bangiga dhexe raaciyo lifaaq warqada ogolaanshaha ah ee Xafiiska Xisaabaadka Guud ku fasaxayo furashada Akawnada Bangiyada Gaar ka ah.
3. Waa in si bile ah loo soo gudbiyo warbixin ku saabsan dhaqdhaqaaqyada xisaabta (accounts) Hay’adaha Dawladdu ku leeyihiin Bangiyada Gaarka ah, iyadoo la soo marinayo Bangiga Dhexe ee Dawladda.
4. In warbixin dhamaystiran laga soo gudbiyo xisaabta hada uga furan Hay’adaha Dawladda Bangiyada Gaarka ah.
=Wabilaahi Tawfiiq=
Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 3 people, people sitting and indoor

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker