Madaxweyne Donad Trump Oo Mar Kale Wajahaya Mooshin Xilka Qaadis

Dadaallo lagu doonayo in mar kale lagu soo gole joojiyo madaxweynaha xilku kasii dhamaanayo ee Maraykanka Donad Trump, ayaa ka socda Congress-ka Maraykanka.

Xildhibaanada Aqalka Wakiilada ee ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga ayaa sheegay in ay golaha hor keenayaan mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha. Mooshinkan oo kadibna u gudbi doona Aqalka Senate-ka ayaa la filayaa in lasoo gudbiyo maanta.

Dimoqraadiga ayaa madaxweyne Trump ku eedeynaya shaqaaqadii Arbacadii ka dhacday xarunta Congress-ka, xilligaas oo ay galeen taageerayaal carreysan oo ka mid ah kuwa Madaxweynaha.

Banaanbaxayaal kumanaan gaadhaya oo taageersan Donad Trump ayaa xoog ku galay Xarunta Xildhibaanada Congress-ka oo xiligaas uu ka socday kulan lagu ansixiyay natiijada doorashada ka dhacday Mareykanka ee kusoo baxay Joe Biden.

Madaxweynaha xilka kasii dhamaanayo ee Maraykanka Donad Trump ayaa aqbalay natiijada doorashadii dhacday ee uu diidanaa, isla markaana sameeyay isku dayo badan oo uu ku doonayay inuu ku carqaladeyo doorashada.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker