Beesha Caalamka oo Midawga Murashixiinta Somalia u Ballan Qaaday Doorasho Hufan

Waxaa galabta Jazeera Hotel ku soo gaba Gaboobay kulan aalada la iska arko ku dhexmaray Midawga Musharixiinta iyo Wakiilada beesha Caalamka.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayay xaalada uu dalku marayo gaar ahaan arrimaha doorashada ayaa murashaxiinta joogay waxaa ka mid ahaa, Xasan Sh. Maxamuud, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Shariif xasan Sh Adan. Iyo Xasan Cali Khayre

 

Beesha Caalamka wakiiladooda waxaa kamid ahaa Wakiilka Qaramada midoobay Iyo Shan Safiir oo ka socday dawlado iyo Urur Goboleedyo.

 

Midawga musharixiinta waxay si cad u sheegeen mowqifkooda doorasho ee ah inay dhacdo doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay,

 

Waxay sheegeen in aanay mar naba aqbalayn sida ay Villa Somalia hadda wax ku wado.

Wakiilada Beesha caalamka waxay ballan qaadeen inay ka shaqayn doonaan in dalka ay ka dhacdo doorasho la isla ogol yahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker