Oodweyne News - Latest Somali News Update

Donald Trump Oo shir jaraa’iid Qabtay, Weerarayna Saxaafadda Uguna Yeedhay CNN Inay Tahay FAKE NEWS

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump ayaa qabtay markii ugu horeysay tan iyo doorashadii dalkaasi shir jaraa´iid, waxaana warsaxaafadeedkan lagu soo beegay saacado kadib markii qaar kamid ah saxaafada ay shaaciyeen xog ku aadan xidhiidha  ka dhaxeeya Trump iyo Ruushka.

Donald Trump ayaa cadhadiisa kula dhacay warbaahinta CNN iyo Buzzfeed uu ugu yeedhay FAKE NEWS iyagoo hore u  shaaciyey xog sheegaysa in Ruushka uu sir badan ka hayo Donald Trump taasina keentay inuu u debecsanaado wadankaasi ay cadaawada ka dhaxeyso Maraykanka.