Oodweyne News - Latest Somali News Update

Booqashadii Siyaasi Muniir ee sheffield .

Siyaasiga dadayare ee sannadka Isla markaasna ah suxufiga caanka ah ee Muniir Axmed Cigaal ayaa Booqasho gaaban ku yimid magaaladan sheffield ee cariga ingiriiska . Booqashadan oo daaranayada mid gaar ah oo uu ku booqday oday Axmed Xaaji Yusuf Hospital ka northern general hospital ee magalada sheffield un soo duceeyay .iyo mid guud oo uu ugu kuur gelayay xaalada Abaaraha Iyo sidii shacabka reer sheffield Iyo Xisbiga Waddani oo isku duuban ay ugu qayb qaadan lahaayeen gurmadka Abaaraha baahsan ee maalinba maalinta ka dambaysa sii xumaanaya. Mudane Muniir oo kulan la qaatay Xubnaha Xisbiga Waddani ee magaaladan Iyo xubno ka tirsan Gudiga fulinta ee Xisbiga Waddani UK waxay iska xog wareysteen xaalada Abaaraha , Iyo sidii loo taakulan lahaa dadka Iyo duunyada la taag daran gaajada Iyo surmiga. Doorashada oo aanay maanta ku haboonayan in lagu dibiro dhacsado codna la waydiisto dadka ay diihaalka gaajada la da alaa dhacay sharafta dadnimada Iyo tan diinta islamka mid aanay ku haboonayn . Gacan qabasho Iyo waxtar mooyaane.

 
Siyaasi Muniir oo ka hadalay been abuur kii ay Xukuumada kulmiye kul kacday wefdigii uu Gudoomiyaha golaha wakiilada ahna Gudoomiyaha Iyo Musharax Xisbiga Waddani mudane Cabdirahman Ciro hogaaminayay oo mudane Muniir uu ka mid ahaa . Wefdiga oo qaylo dhaanta Abaaraha Adduunka gaadhsiinayay ayaa Waxa la yaab Ku noqotay ama Waxa laga xishoodo. Sidii Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Iyo Xukuumadu ay uga fal celiyeen waxaanu sheegay in aanu muuse Biixi Iyo Xukuumada kulmiye dareen dad nimo Iyo damqasho Binu aadmanimo ama il naxariise leh mid ku eegayn shacabka Gobolada Bariga Isla markaasna aanu dalku iskugu mid ahayn oo ay u kala saareen ama u kala qaabiyeen laba dabaqadood .

 
Ugu dambeyntii kula kaas Waxaa lagu soo gunaanaday ka qayb qaada Shada gurmadka Abaaraha inay tahay geed ka Goan Iyo in Dhamaan shacabka jamhuuriyada Somaliland ay u siman yihiin Xisbiga Waddani.

 

Mataan M Omar
Xoghayaha warbaahinta Xisbiga Waddani UK, sheffield .