Oodweyne News - Latest Somali News Update

Cadaw ayaanu Quudinaa

Qiyaastii waa 70 jir luudaya waa nin u muuqda inuu lug iyo laan ba ka jabay wuu hugmayaa hareeraha ayuu se eegayaa  waa xaaji gadh cas waa nin ay ka muuqato inuu gobanimo badan ku soo noolaa balse maanta isaga ayaa isla hadlaya isaga ayaa is hujuumaya bal’se waa nin han sare leh ceeb ayuu dhex dabaalanayaa bal’se waa nin ka siq siqaya wis wis badan ayaa ka muuqda wejigiisu waa mid olol badani ka muuqdo mana aha nin ka dhawrsanaya inuu sii hugmo wuu kasii darayaa waxaad moodaa inuu u egyahay nin soo waalanaya
Runtii waan naxay waayo maaha mid u eg sidan uu u hugmayo
Waan kusoo talaabo kediyay waayo wuxu rabaa in lala wadaago hadalka
Mar waa keligii oo isagaa isu sheekaynaya mar waa magaalo guuxaysa waan kala saari waayay ma ka dhab baa mise waa ka dhayal
Hilaaddaan garabkiisa marayo ayuu gacanta ka tuuray hal xabo oo moos ah waa midho u eg kuwo qeedhiin waa caleen doog ah mana laha muuqii midhaha mooska ee caddaan ka ahaa
Si jees jees leh ayuu u muguujiyay u na tuuray markaas ayuu yidhi (cadaw ayaanu quudinaa)
Yaab ka yaab kii
war odaygu goorma ayuu ka jaqaafiyay?
Anigaa intaa is waydiinaya
Lama aan hadal waana sii faane dhaafay balse sheekadiisii ayaa sii dhaadheeraatay
Aniga ayuu i su’aalay
Adeer inaan lacagtaydii kasoo qaato ayay ahayd
Maxay ayaan idhi ?
Qof dumar ah ayaa iga iibisay moos xabashigaa aan tuuray
Haa
Bal kuwaa day iyaguna lacag bay u dirayaan xabashidii dad koodii iyo duunyadoodii na waa dhamaatay
Waa falanyihiin!!
Intaa ayuu is raaciyay sidii hore uma yaabani waayo waxaa durba ii muuqday xanuunka dhabta ah ee ku habsaday ruug caddaagan waal waalanaya waa mid dadka badan koodu la bukaan
Adeer waan gartay tan ee tii hore ka waran iyo muuskii?
Oo ma war baa nool ayuu hadal iigu xidhay xoogaa markaanu sii wada jaan qaadnay ayaan u celiyay isla su’aashii
Isna wuxu iigu jawaabay halkaa buurtaa waxaa saarnaan jiray lidka diyaaradaha iyo gantaalo  caasimadda labaad lagu difaaco iyo
Saldhiga difaaca cirka ayuu na ahaa qori saam la yidhaahdo ayaa halkaa ka eryan jiray dayuuradda xabashida marka ay tagto ee dhulkooda gasho ayuu qabsan jiray
Haddana subax walba waa soo noqon jireen
Burco ayaa muddaharaadday ma maqashay?
May
Burco way mudaharaadday
Waxayna u muddaharaadday diyaaradaha la soo daadinayo maxay anaga noogu iman waayeen oo noo duqayn waayeen
Haye
Ma nin kaasaa muus i siinaya?
Waa maya ayuu isagu isugu jawaabay
Haye
Kii baa leh beero ayaan yeeshay oo wax walba  anigaa idin siinaya
Inaguna waa hurudnaa
“lax waliba shilalka ay is dhigto ayaa lagu qalaa
Ayuu yidhi isagoo halkaa aanu isku dhaafnay salaan nabad gelyayn
Soomaaligii dhaladka ahaa