Oodweyne News - Latest Somali News Update

Qorshaha Maal-gelinta Beeyada Sanaag Iyo Qaladka Bulshada La Fahamsiiyey (Warbixin)

Ceerigaabo(OWN) Xabkaha/Fleenka loo yaqaanno Beeyada oo ah dhirta Xabkeheeda ganacsi ahaan loo iibsado ayna ka shaqaystaan dadweyne aad u tiro badani ayaa waxa sannadahan danbe isasoo taraysey qayla-dhaanta sheegaysa in dhirta xabagtu ka dhalato intoodii badnayd dhimatay kaddib markii xilli kasta bulshadu ka raadsadeen inay ka helaan Xabag ay Iibsadaan oo ku noolaadaan taasoo xilligeeda gaarka ahi kolka uu dhammaado ay dadweynuhu u baydheen diirka ama qolofta geedka oo ay jaftaan oo gaar u iibsadaan.

 

Waxaynu kaloo ognahay in haddii geedka xabagtani ka dhalato “Moxorka”  uu dhinto ay gebi ahaanba meesha ka baxayaan Xabkaha Faleenka gaar ahaan Beeyada loo yaqaanno, taasina ay yeelan doonto samayn dhinacyo badan taabanaysa oo degaan ahaan iyo bulshada intaba dhibaato ku keeni karta.

 

Haddaba Waxa Maalmahan u danbeeya bulshadu qaadaa-dhigayeen hadal-haynta kusaabsan Xukuumadda Somaliland oo wadda qorshe lagu badbaadinayo geedkaas islamarkaasna dadka manaafacaadsada muddo shan sano ah lasiinayo wixii ay ka heli jireen xabagtaas balse laga joojinayo birta arxan darrada ah ee iyadoo xabag ama qolof laga raadinayo lagu wado xilligan taasoo sababaysa gumaadka geedkaas.

 

Waxa taas bar-bar socotey shirkado ama shakhsiyaad iyagu ka ganacsada xabkahan oo ka Iibsada dadka ka shaqaysta oo iyagu arrintan dhibsaday una arkay in suuqoodii ganacsi arrintani xakamaynayso.

 

Ganacsatadaasi iyagoo aan bulshada u danaynayn waxay dadweynaha ku dhex faafiyeen dacaayado ay sheegayaan in Beeyadooda la joojiyey iyagoo tusaale uga dhiganaya joojinta dhoofka xoolaha in arrintanina la mid tahay, waxay sidoo kale faafinayaan inay jirto dhir cusub oo lagu beerayo degaannada beeyadu ka baxdo dhirtaasoo looga dan leeyahay inay meesha ka saari doonto geedka Beeyada oo dhimanaya haddii dhirtaas lagu beero degaannada uu ku yaallo.

 

Haddaba Xaqiiqda Arrintu Sidaas way ka duwan tahay waxana meesha ka muuqata in bulshada ka shaqaysata ama milkiilayaasha ka ah Geedka Beeyada iyo Xabkahaas y maaddaama wixii manaafacaad ay ka heli jireen la siin doono ay dantoodu ku jirto in geedkoodu birta ka nasto oo muddadaas shanta sano ah uu sameeyo naqaal cusub iyo quwad uu kagasoo kabsado dhaawacyada iyo dhimashada xilligan lagu hayo.

 

Ganacsatada iyagu danaynaya xabkaha ay dhoofsan jireen oo markii horeba marka ay Iibsadaan aan si habboon u siin jirin wixii ay yeeshaan dadka xabkahan ka shaqaysta ayaa ah kuwo aan dan ama wax lexejeclo ah ka lahayn dabar-go’a dhirta iyo dhibaatada ka dhalan karta balse keliya iyagu ah kuwo eegaya sidii suuqoodu ugu sii socon lahaa bulshaduna uga hor iman lahayd qorshahan Xukuumadda Somaliland ku maal-gelinayso milkiilayaasha Beeyada sidoo kalena lagu negaynayo geedka xilligan u muuqda inuu dabar-go’ kusii dhow yahay haddii xaaladdu sidan kusii socoto.

beeyo-1 beeyyo beeyo

Oodweynenews.com/Ceerigaabo