Oodweyne News - Latest Somali News Update

War Deg-deg ah: Doonni Berbera Ka Qaadday 593 Lo’ah Oo Badda Ku Degtey

 

 

Ceerigaabo(OWN) Doonnidan oo lagu magcaabi jirey Al-Axmediya oo saddex habeen ka hor laga raray dekedda Berbera iyadoo siddey 593 Dibi ay leeyihiin dad ganacsato Reer Somaliland ahi una sii jeeddey dhinaca dekedda Salaala ee Waddanka Cummaan ayaa gelinkii danbe ee xalayto waxay ku degtey meel u dhow Dekedda Salaala ee ay kusii jeeddey.

 

Doonnidan iyo xoolihii saarnaa ayaa gebi ahaantood baddu liqday sida uu Idaacadda BBC u sheegay Wakiilka Doontaas degtey C/raxmaan Cali Warsame halka shaqaalihii saarnaa laga badbaadiyey.

 

Wararka dheeraadka ah ee kusaabsan doonnidan degtey qaarkood ayaa sheegaya in dabaylo badda ka dhacayey sababeen in doonnidaasi degto halka wararka qaarkoodna sheegayaan in dab qabsaday awgeed ay doonnidaasi u degtey.

doonni

 

Oodweynenews.com/Ceerigaabo