Oodweyne News - Latest Somali News Update

Doorashadda iyo Qabashadeeda.

Doorasho in la gallo waxa ka muhiimsan in dadka la badbaadiyo, haddii dadkii iyo duunyaddiiba la waayo yaa idin dooranaya ,maxaa se laydinku dooranayaa  yaadse maamulaysaan , nolosheena iyo dhaqaalaheenuba waxay ku xidhan Reer miyiga iyo xoolaha labadiina maanta way dhamaadeen!
Doorashadda  u baddan cida samaysaa waa dadka degan miyiga iyo degmooyinka dadkaasina maanta waxay inooga baahan yihiin in aynu caawino , una gurmano  Allena uga barino roob iyo barwaaqo degdega.
Siyaasiyiinta  maanta leh doorasho ha la qabto waa mid aan in yar oo naxariisi ku jirin , dad iyo dalna aan dan ka lahayn.
Aynu sugno oo samirno in baddanba waynu sugaynee maanta dambaa sababtee.
Gurmadka ugu  baddan ha la galiyo badbaadinta dadka iyo xoolahaba.
Alle ha loo baryo inuu dadkiisa iyo xoolihiisaba badbaadiyo.
Maanta halka aynu tabaynaa waa noloshii dadkeena oo hoos u dhacday, dhaqaalihii oo meel xun maraya , sarifkii oo xadka ka baxay , xoolihii oo la joojiyay, shaqo la,aantii oo sii badatay, noloshii kuwii shaqaysanayay iyo kuwii wax haystay oo iyana hoos u dhacday gurmad baddan oo ay fidiyeen.
Markasta Alle ayaa jira oo awood leh Allaw umadaada badbaadi kana saar abaaraha iyo dhibaatooyinka haystaba.
Dawladeena, siyaasiyeenteena, dadkeenuba awoodooda ha iskugu geeyaan sidii ay u caawin lahaayeen dadkooda abaaraysan.
Sidoo kale sidii qorshe looga yeelan laha abaaraha soo noq-noqda waa mid aan wali la fulin oo aynu fulinteeda sugayno.
Allaw waad aragtaa dadkaagii kii dhibayana ka qabo, abaarta iyo macaluushana ka badbaadi Allahuma Aamin.
Si caqlileh ,dareen leh oo naxariisi ku duugan tahay u fikir.
Dadkaaga abaareysana il naxariis leh ku eeg.
Beesha caalamkana dadkeenaa inagala qiimo baddan ee aynu dadkeena badbaadino.
Farhan Sultan Nur (Rakad)
Facebook: Rakad Mxd Sultan
Farxaanmxd@gmail.com
Berbera